Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo taageeray shaqada guddiga doorashada

MUQDISHO – (WARSOOR) – Musharaxiinta oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Ra’isal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,Sidoo kale waxay dalbadeen in la bilaabo doorashada Aqalka Sare iyo mida Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi, iyagoo cadeeyay iney diyaar u yihiin iney tartanka doorashada ka qeyb galaan.

Waxay sheegeen in doorashada ay diidan yihiin siyaasiyiin tiro yar oo aan kalsooni badan ku qabin dadkooda isla markaana doonaya in la musuq maasuqo doorashada.

Kulanka Musharaxiinta Xildhibaanada iyo Senatarada gobolada Waqooyi waxaa goobjoog ka ahaa Siyaasiyiin, Odoyaal dhaqan, dhalinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada Waqooyi.

Todobaadkii ina dhaafay ayaa 40 xildhibaan oo ka soo jeeda Gobolada Woqooyi Somaliland sidoo kale taageereen dedaalka Raisal Wasaaraha ee hirgelinta doorashada qaranka.