Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir deg deg ah bari isugu yeeray guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa maanta soo gabagabeeyay wadatashiyadii uu la lahaa Guddoomiyah Aqalka sare iyo ra’iisul wasaare ku xigeen dalka ee xal u helista doorashada hoggaanka guddiga doorashada gobollada Woqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shir deg deg ah bari isugu yeeray guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi, isagoo sheegay inla guddo galo doorashadii Labada Aqal.