Messi oo kooxdiisa Inter Miami u dhaliyay goolka guusha wakhtigii dhimashada kulankiisii ugu horeeyay

Lionel Messi ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxdiisa cusub ee Inter Miami ee horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer u dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada, kadib markii 2-1 ay kaga badiyeen kooxda MX Cruz Azul kulankoodii Leagues Cup ee ka dhacay garoonka Fort Lauderdale ee gobolka Florida.

Messi ayaa gool bilisyoon ah kooxdiisa u dhaliyay daqiiqaddii ugu dambeeysay ee ciyaarta, guushaas oo ay si weyn ugu dabbaal degaan taageerayaasha kooxdiisa Inter Miami.

“Waan ogaa inay tahay in aan gool dhaliyo, waxa ay ahayd fursaddii ugu dambaysay ee ciyaarta,waxa ay ahayd in aan gool dhaliyo si aynaan u aadin rigoorayaal”ayuu Messi yiri.

“Aad ayay muhiim noogu ahayd inaan helno guushaan, sababtoo ah waa tartan cusub, waxayna na siin doontaa kalsooni aan horay ugu socono”. ayuu raaciyay.