Netanyahu oo isbitaal la dhigay, laguna rakibay qalab wadnihiisa caawiya

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku jira isbitaal kadib markii Axadda maanta ah lagu rakibay qalab wadnihiisa caawinaya, xilli ay tobannaan kun oo qof isugu soo baxeen magaalada Quddus, iyagoo kasoo horjeeda sharciga dib u habeynta maxkamadda sare oo uu baarlamaanku ka doodayo.

Iyadoo Israa’iil ay ku jirto qalalaasihii siyaasadeed ee ugu xumaa muddo tobanaan sano ah, ayaa hoggaamiyahan 73-jirka ah waxaa Sabtidii loola cararay Xarunta Caafimaadka ee Sheba oo u dhow magaalada Tel Aviv kadib markii qalab la socda wadnaha toddobaadkii hore lagu xiray uu ogaaday wadna garaac aan caadi aheyn sida ay dhaqaatiirtiisu sheegeen.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in la filayo in uu isbitaalka ka baxo galinka dambe ee Axadda maanta ah, waxaana uu intaa lagu daray in safarradii u qorsheysnaa in uu ku tago Qubrus iyo Turkiga dib loo dhigay.

Xildhibaanada ayaa Axadda maanta ah bilaabay in ay ka doodaan hindise sharciyeedka lagu xadidayo awooda maxkamada sare ay ku bur burin karto go’aannada ay xukuumaddu gaarto. Waxaa laga yaabaa in natiijada codeynta hindise sharciyeedkani ay soo baxdo fiidnimada Isniinta.

Dadka dhaleeceeya sharcigan ayaa sheegaya in wax ka bedelka uu albaabada u furayo ku takri fal awoodeed iyadoo meesha laga saarayo mid ka mid ah tiiranka dheelitira waaxda fulinta ee dalkan oo aan laheyn dastuur qoran oo rasmi ah.