Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Furay Carwadda Rugta Ganacsiga 10-aad

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay bandhiga Carwada 10aad ee Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland.

Carwaddan ayaa ka bilaabantay huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa 15 February waxaanay socon doontaa ilaa 21 February. Carwadda ayaa waxaa ganacsiyo kala duwan ku soo bandhigay shirkadaha waaweyn ee dalka iyo ganacsatadda kala duwan.