Koonfur Afrika oo ku dhawaaqday masiibo qaran, kadib fatahaado ka dhacay dalkaasi

Koonfur Afrika – (WARSOOR) – Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday maanta oo Isniintii ah masiibo qaran, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen in todobo ka mid ah sagaalka gobol ee ay ka kooban tahay ay daadad ku rogmadeen, isla markaana ay  burburiyeen wadooyin iyo buundooyin.

Hay’adda cimilada ee qaranka ayaa saadaalisay in roobabka xooggan ay sii jiri doonaan maalmaha soo socda, iyadoo khasaare badan uu soo gaaray beeralayda dalkaasi,sida lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada.

Dawladdu waxay ku dhawaaqday xaalad masiibo ah oo heer qaran ah si ay awood ugu yeelato in si degdeg ah looga jawaabo saameynta fatahaadaha,sida lagu sheegay bayaanka, balse laguma sheegin khasaaraha ka dhashay roobabkaasi.

Qoysas badan iyo shakhsiyaadka darbi-jiifka ah ee ku dhaqan dalka K/Afrika ayaa u naahnaan doona in la siiyo hoy ku meel gaar ah, cunto iyo bustayaal,waxaana bayaankaasi ka soo baxay dowladda lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dayactir ballaaran oo qaali ah lagu sameeyo kaabayaasha dadweynaha.

Roobabka xooggan ayaa la saadaaliyay in ay  keeneen ifafaalaha cimilada caalamiga ah ee La Niña, taasoo ka dhacda badweynta Pacific-ga.