Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan Gobolka Awdal ayaa xadhig ka jar iyo Kormeer Maanta Sameeyey.

Boorama – (WARSOOR) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha wajiga koowaad ee wadadda isku-xidha Boorama iyo Baki ee Gobolka Awdal.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kormeer kusoo maray Dugsiga caruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo xafiisyadda maamulka Gobolka iyo Degmadda Boorama.