Iran oo baadhaysa hablo dhigta 30 dugsi, oo la rumaysan yahay in la sumeeyey

IRAN – (WARSOOR) – Hoggaamiyaha sare ee dalka Iran ayaa Isniintii ku tilmaamay weeraro taxane ah oo looga shakisan yahay in loo adeegsaday ‘sun’ kala geddisan oo lagu bartilmaameedsaday hablaha wax ka barta dugsiyada, inay yihiin dembiyo aan la cafin karin.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka dalka Iran ee IRNA, hoggaamiyaha sare ee dalkaas Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in haddii ay masuuliyiinta dalkaasi ogaadaan in hablahaas loo sumeeyey si ula kac ah, “inay tahay in kuwa ka dambeeya dembigaas, in lagu xukumo ciqaab dil ah, mana jiri doonto wax cafis ahi”.

Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa amar ku bixiyey in la baadho dhacdooyin kala duwan oo la diiwaangeliyey, oo ay ku jiraan, xanuuno la soo dersay hablaha wax ka barta in ka badan 30 dugsi, kuwaas oo soo taxnaa tan iyo bishii November ee sannadkii hore.

Xanuunadan ayaa ku faafay uguyaraan 21 gobol oo ka mida 30ka gobol ee dalkaasi ka kooban yahay.

Falalkan loo malaynayo in loo isticmaalay sunta, ayaa lala beegsaday boqollaal hablo ah, kuwaas oo aan illaa hadda la cadayn nooca sunta ama kimikada ah ee la isticmaalay, ama haddiiba la isticmaalay.