Madaxwayne Xasan Sh. oo booqday Dhismaha Safaaradda Somaliya ee Nairobe

Nairobe – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khamiistii kormeer ku tagay xarunta safaaraddii hore ee ay Soomaaliya ku lahayd Magaalada Nairobe ee Dalka Kenya oo la dayactirayo.

Dhismaha safaaradda waxaa hadda ka socda hawlo dayactir ah, iyadoo bilaha soo socda la qorshaynayo in dib loo howlgaliyo Xaruunta Safaaradda oo ah mid aad u ballaaran, iyadoo uu Madaxweynahu kormeeray dhammaan qeybaha safaaradda iyo qunsuliyadda oo ku dhex taalla.

madaxweynaha-somaliya-weftigisi

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa sheegay in dib u howl gelinta safaaraddan ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya iyo dowladda Soomaaliyaba ay ku bixisay waqti badan. Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dacwaddii dib loogu soo celiyay.

“Dhammaan dadkii iyo sharci-yaqaannadii ka qeyb qaatay dacwadda dib loogu soo celiyay safaaraddan waan u mahad celinayaa, safaaraddani waa hanti Soomaaliyeed,dhammaan hantida Soomaaliyeed ee maqan dib ayaa loo soo celinayaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo ku xigeenkiisa ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Madaxweynaha,wasiirka arrimaha dibadda, wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kale, isagoo xusay in safaaraddan ay ka mid tahay kuwa ugu ballaaran Dalka Kenya, dhawaanna dib loo howlgelin doono.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in dib loo soo celiyo Xaruntii safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya oo nin ganacsade ah uu horey u iibsaday, iyadoo Maxkamadda Sare ee dalkaasi  Soomaaliya u xukuntay Xaruntaasi sanado ka hor.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.