Madaxtooyada Garoowe oo Yeeshay Shir Degdeg ah

Garoowe – (WARSOOR) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Caawa Garoowe ku yeeshay shir deg deg ah oo al-baabadu u xiran yihiin.

Shirka oo saacado qaatay ayaa looga hadlay xiisadda dagaal ee ka aloosan magaalada Boosaaso, taas oo u dhexaysa dowladda iyo Agaasimihii xilka qaadista lagu sameeyay ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Shirka waxaa sidoo kale Khadka Taleefonka kaga qayb-galay Suldaanka guud ee Beelaha Harti Suldaan, Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay.

Suldaanka oo  dadaal nabadeed wada ayaa Madaxda dowladda kala hadlay in xaaladda la dejiyo, islamarkaana ay wada-hadal bilaabaan labada dhimac taas oo ay mas’uuliyiintu ka aqbaleen Suldaanka.

Dhinaca kale, wararku waxay sheegayaan in Suldaan Siciid Suldan Cabdisalaan la hadlay Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaan, ayna isla garteen in la bilaabo wada-hadal nabadeed oo suldaanku hoggaaminayo.

Weli ma jiro wax wada-hadal ah oo u bilowaday dowladda iyo Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, inkastoo labada dhinac aqbaleen dadaalka nabadeed ee Suldaanka guud ee Beelaha Harti.