Dagaal mar kale ka qarxay magaalada Boosaaso

BOOSAASO – (WARSOOR) – Boosaaso waxay ku waabariistay dhawaqa hubka culus oo ay isu adeegsanayaan ciidamadii shalay dagaalka isaga hor yimid, waxaana dagaalkan oo intiisa badan ka dhacay xarunta Ciidamada PSF.Xarunta PSF waxaa ku sugan Gen. Maxamuud Diyaano oo diiday xilka qaadis uu madaxweynaha Puntland ku sameeyey.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku naf-waayeen 10 qof oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah, iyadoo 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay muujiyeen xogaha laga helay goobaha caafimaadka.

Dad badan ayaa ilaa xalay ka barakacayay xaafadaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo cabsi ka qabay in dagaalku uu sii socdo, saameena ku yeesho nabadgelyadooda.

Waxaa guud ahaan xirmay goobihii ganacsiga, dekedda iyo duulimaadyadii garoonka diyaaradaha iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalada Boosaaso.Waxaa jira baaqyo ay dirayaan Culimada, Nabadoonada iyo waxgarad kale oo reer Puntland ah, balse ma jirto ilaa hadda wax horumar ah oo laga gaaray in la joojiyo dagaalka ka socda magaaladda Boosaaso.