Maareeyaha Dekedaha JSL iyo Guddida Joogta Golaha Wakiilada oo Iska Xog-waraystay Mashaaricaha Horumarineed ee ka fulay Dekeda Berbera

Hargeysa – (WARSOOR)-Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Md Siciid Xasan Cabdilahi iyo Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Guddida joogta, ayaa Maanta Kulan Balaadhan ku yeeshay Xarunta golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland.
Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu Mudanayaasha Guddida joogta Golaha Wakiilada Warbixin ka siiyey waxqabaadyadii kala duwanaa ee Laga fuliyey Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.

Sidoo kale, waxa uu Maareeye Siciid Mudanayaasha joogta Golaha Wakiilada uga Warbixiyey hiigsiga mustaqbalka dhow ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan Dekeda Berbera iyo Dekeda Maydh. Waxanu xusay in Siyaasada Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi tahay Horumarinta ilaha dhaqaalaha Somaliland.