Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed oo Kulan la Qaatay wefti ka socday Midowga Yurub iyo EUCAP

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo wehelinayan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo Agaasimayaha guud ee wasaradda Ayaa Kulan la Qaatay wefti ka socday Midowga Yurub iyo EUCAP, Laurianne Comard – Madax Barjaamijyadda Amniga iyo Ilaalada Badda ee European Union, Fabian Loewenberg – Ku Xigeenka Hay’adda EUCAP, Ronnie Willman – Madaxa Xafiiska EUCAP ee Hargeisa, Mahad Ahmed Xidhiidhiyaha Mashaariicda Ciidamada Badda ee Hayada EUCAP, Adnan Hagoog – Wakiilka Xafiiska European Union ee Somaliland.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin sidii Midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland uga wada shaqayn lahaayeeen Baddacas.