Maamulka Iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Sanaag Oo Soo Dhaweeyay Qaxoonti U Soo Hayaamay Gobolkaasi

Ceerigaabo – (WARSOOR) – Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag Maxamed Khalif Nuur, Isu Duwayaasha Wasaradaha Caafimaadka Iyo Deegaanka Somaliland Masuuliyiinta Hay’adda Candle Light Iyo Bisha Cas ayaa soo dhaweeyay qaxoonta ka yimi dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Qaar ka mida dadkaasi soo qaxay ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in wax badan laga taageero maadaama ay masaafad aad u dheer ay soo socdeen, iyagoo ka mahad celiyay sida bani aadantinnadu ku jirto ee loo soo dhaweeyay.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay dadka deegaanka Fuqi fuliye oo ah deegaanka ay kusoo qaxeen barokacyaashu, iyagoo sheegay in intii awooddooda ah ay soo dhawayanayaan dadka kusoo qaxay dhulkooda.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Candle Light Iyo Bisha Cas ayaa sheegay in ay doorkooda ka qaadan doonaan baahiyaha dadkaasi ay ka cabanayaan.

Gabagabadii dadkaasi oo la gaadhsiiyay deeq isugu jira biyo iyo dawo ayaa waxa ka hadlay ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ahna Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag Maxamed Khalif, iyo isu duwayasha wasaaradaha caafimaadka iyo deegaanka ee gobolka, kuwaasoo sheegay in kaalintooda ay ka qaadan doonaan gargaarka bani adaannimo ee loo fidinayo dadkaasi, oo ay sheegeen inay kusoo tabcaameen safarkii dheeraa ee ay soo galelen, waxaana ay ugu baaqeen hay’adaha caalamiga ah ee qaxoontiga in dadkaasi ay lasoo gaadhaan gargaar bani aadannimo.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap