Natiijada Ciyaartii Galabta Ee Hargeysa Stadium

Hargeysa – (WARSOOR) – Ciyaarta galabta ee Hargeysa Stadium ee koobka degmooyinka caasimadda Hargeysa ayaa waxa isku waajahay degmooyinka 31-ka May iyo Maxamed Mooge, ciyaartaasoo aan waxba la iskula hadhin galabta.

Ciyaartan oo ahayd mis xiiso leh isla markaana la wada sugaayay ayaa waxa isku muquuniyay demgooyinka 31-ka iyo Maxamed Mooge, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa degmada Maxamed Mooge waxay daqiiqaddii 38aad ay dhaliyeen goolkoodii koobaad, oo u saxeexay ciyaaryahan Afyare, goolkaasoo xammaasad iyo xiise geliyay ciyaarta.

Marka la iskusoo noqday ee qaybtii dambe ee ciyaarta ee koox waliba ay lasoo tashatay macalinkii laylayniyay ayaa daqiiqaddii 77aad ay degmada Maxamed Mooge u labaysay kooxda 31-ka May,  kaddib markii uu gool si qurux badan loo soo dhigay uu shabagga ku luxay ciyaaryahan Khaatiyo, kaasoo ku shareeray xamaasaddii ciyaarta cirka, iyadoo demgada 31 May ay isku dayaysay isla markaana ay dadaal badan ku bixisay sidii ay iskaga soo gudi lahayd, balse kumay guuleysan oo waxay 90-kii daqiiqo ee ciyaartu ay kusoo dhammaadeen laba gool iyo eber. Waxaana lagu daray 3 daqiiqo oo dheeri ah, kuwaasoo aan waxba ka baddalin natiijadii hore ee ciyaarta.

Waxaana ciyaartii galabta ku dhex martay Hargeysa Stadium degmooyinka 31-ka May iyo Maxamed Mooge ay guushu raacday qoladii ku ciyaaraysay magaca degmada Maxamed Mooge.