Dahabshil Company Daarasalaam Bank
Published On: Tue, Apr 26th, 2016

Ma Inaga Dhabbaa in Aynu Aqoonsi Doonayno?

maxamud_XamdiWaxay ahayd muddo hadda dhawr sano laga joogo, ka dib marka aan bartay sharciga iyo siyaasadda, siiba aan aad ugu sii xariifsanaa qaybta sharciga caalamiga ah (International Law) iyo xidhiidhka caalamiga ah (International Relation),  oo labadaasi maadadood mid ka mid ah amuuraha ugu badan ee ay ka shaqeeyaan ay tahay arrinta aqoonisga dawladaha, ka dib waxaan u fiirsaday xaalada dawladeenu ka taagan tahay aqoonsiga, waxaana is waydiiyay waagaasi su’aalahan:

  1. Ma Dhabaa in ay dawladeenu doonayso in dalkeena la aqoonsado?
  2. Miyaanay ogayn in tallaabooyinkan ay qaadayso ay badankoodu yihiin kuwo aan hadafkaasi ina gaadhsiinayn?
  3. Miyay dhici kartaa in aniga oo ah arday yar oo hadda uun wax bartay in aan leeyahay aqoon ka badan aqoonta ay leeyihiin madaxda sare ee dalkan hogaaminaysa?

Dabcan su’aashan 3aad jawaabteedu waxay noqotay (Maya), hadaba waxa ii cadaatay in xukuumaddu aanay doonayn in dalkan la aqoonsado, oo hadal haynta aqoonsiga uu hadafkiisu yahay maaweelinta shacabka Somaliland.

Waa ka raaligalinayaa xukuumada sharafta leh qoraalkan sare ku xusan oo aan si xaqiiqi ah ugu cabiray rayigayga, laakiin waxa hor yaallay laba eedaymood, oo waxaan is idhi eeddan kor ku xusan ayaa fudud, halka eeda kale noqonayso jahli ballaadhan oo ku aadan amuuraha aqoonsiga, taasoo aan kala xishooday madaxda qaranka.

Dareenkaasi aan gaadhay dhawr sanno ka hor, waxa mar kale igu soo kiciyay, maanta oo aan la shiray saraakiil shaqadoodu tahay hawsha aqoonsiga, waxaana aanu is waydaarsanay hadalo ku saabsan mawduucaasi aan bari hore ka niyad jabay, laakiin markaan dareemay in qaabka ay u hadlaayaan ay ku jirto niyad sami iyo inay dhab ahaan jecel yihiin inay dalkani aqoonsi helo, xilligaasi ayaan bilaabay in qaabka hadalkaygu is badalo, anigoo si baaxad weyn u dhaliilay arrimo faro badan, arrimaha aan dhaliilayna dib ayaan u yara dhigan doonaa sheegistooda.

Waxa caalamiyan la isku raacsan yahay in arrinta aqoonsigu yahay arrin siyaasadeed oo aanay ahayn arrin sharci, in kastoo sharcigu saamayn ku leeyahay, taasoo ku xidhan go’aanka dal kasta uu ka qaadanaayo aqoonsiga waddan kale, qofka doonaaya faah-faahinta arrintaasi inuu fahmo ha akhriyo labadan buug oo ah kuwa ugu caansan ee arrinta xeerka caalamiga ah wax ka qoray (1. Hersch Lauterpacht – Recognition in International Law + 2.  Malcolm N. Shaw – International Law).

Sidaa awgeed taasi waxay daadifaynaysaa jumlada aan goor kasta ka maqlo xukuumada oo ku soo cel-celinaysa oo ah: (Somaliland maadaama ay dhamaysatay afartii shuruudood ee sharciga ah ee lagu noqonaayay dawlad, sidaa awgeed xaq ayaanu u leenahay in aanu dawlad noqono). Haddiiba aad tidhi xaq ayaan u leeyahay, su’aasha daba taalla waxay tahay : tallaw yaad xaqaasi ku leedahay? Tallaw yuu waajib sharci ah ku amrayaa inay ku aqoonsato?

Markaa maadaama aynu ilaa hadda isla garanay inay tahay dooda aqoonsigu mid siyaasadeed oo aanay ahayn mid sharci, talaw maxaynu ka gaysanay arrimaha siyaasadeed? Maxaynu tallaabooyin qaadnay halkaasi ku wajahan?

Halkan waxaan dhaliilayaa laba arrimood oo mid la sameeyay midna la igu lahaa dhawaan ayaa la samaynayaa:

  1. arrinta aqoonsiga Somaliland oo loo gudbiyay maxkamada caalamiga ah (International Court of Justice), taasoo la doonaayo inay ka gar naqdo arrinta ah (Somaliland xaq ma u leedahay in la aqoonsado iyo in kale) arrintaasi murugo weyn ayey I galisay waayo waxay muujinaysaa fikirkaasi heerka uu gaadhsiisan yahay, anigoo haddanba sii shaacinaaya inay arrintaasi wax yeelayn u gaysatay qadiyada Somaliland, iyadoo qodobka 34aad faqradiisa 1aad ee xeerka aasaaska maxkamada dunidu uu dhigaayo sidan (dawladaha oo qudha ayaa dacalo ka noqon kara dacwad kasta oo la hor keenaayo maxkamada), markaa cid aan dawlad ahayn sideebee dacwada u furan kartaa, markaa arrinta in Somaliland qaabka aan sheegay dacwad ugu gudbiso maxkamada dunida waa mid ceebaysan, haddii in yar oo baadhis iyo wada tashiyo laga samayn lahaa waxa jira gal-dalool sharci (xarfad sharciyeed) oo si weyn ay Somaliland uga faa’idaysan lahayd, oo dacwada gabigeedaba sifo kale siin lahayd, taasoo aan ku haboonayn in aan maqaal gaaban ku sheego.
  2. Arrinta 2aad ee murugada weyn I sii galisay waa ta aan maanta maqlay in la samayn doono saxeex ururin hal milyan oo qof laga saxeexi doono, saxeexaasi oo muwaadiniinta Somaliland laga ururin doono, kuna socota beesha caalamka, qodobkaasi waa ka murugada ugu badan I galisay ee igu kaliftay in aan si adag ula hadlo saraakiishii oo aan idhaahdo tamarta dadka iyo shucuurtooda ha ku khasaaraynina wax aan marnaba qiimo siyaasadeed iyo mid sharci toona lahayn, anigoo u xaqiijiyay inay waliba wax-yeelo badan yeelan karto, taasoo karaamada ka qaadaysa dastuurka Somaliland ee aynu mar kasta sheegno in 97% muwaadiniintu ku ogolaadeen madaxbannaanida dalkan, tallaw saxeex ururintani muxuu qiimo dheeraad ah yeelanayaa in ka badan doodeena ah in boqolkiiba 97% shacabku ogolaadeen xornimada dalkeena? Tallaw marka la soo dhamaystiro saxeexyadan yaynu u geeynaynaa? Haddii xukuumada Somaliland ay tidhaahdo tani waxay daliil u tahay mawqifka shacabkayaga, su’aasha meesha imanaysaa waxay tahay oo hore miyaanuu u jirin go’aan ay qaateen shacabka Somaliland oo ay ku dalbanayaan aqoonsiga? Tallaw taasi miyaanay daciifinayn doodeena ah in ay shacabka Somaliland ku goosteen shir loo dhan yahay oo ka dhacay burco 1991, taasoo dib loogu xaqiijiyay dastuurka ilaa hadda shaqeeya? Haddii hadafka ururinta hal milyan oo saxeex uu ka mid yahay noocyada dabaal dagga 18 May, ee hadafkeedu yahay madadaalada iyo ka farxinta shacabka, waxa aan ahay qofka ugu horreeya ee taageersan, haddii se aad leedihiin waa tallaabo dhinaca aqoonsi raadinta ah, waxaan idin leeyahay laba mid ahaa: haddaad ay aqoon la’aan idin ka tahay (ka daaya shacabka jahliga), haddii ay aqoon idinka tahayna (ka daaya shacabka beenta).

Qof ayaa i waydiin kara: adigu aad ayaad wax u naqdiday ee maxaad fikir haysaa? Waxaan leeyahay waxaan hayaa fikir aan si weyn u aaminsanahay inuu aqoonsiga Somaliland soo dhawaynaayo, kaasoo aan u arko in muhiimadiisu ay  la mid tahay ku dhawaaqista dib ula soo noqoshada xornimada Somaliland, fikirkaasi oo ah: in Somaliland ay si toos ah dalab cayiman oo qaab qoraal cayiman leh ay u gudbiso qaramada midoobay siiba golaha amaanka siiba guddida joogtada ah ee u qaabilsan xubinimada cusub, dalabkaasi oo noqonaaya mid cilmiyaysan isla markaana uu bar-bar socdo olole xoogan oo dhinaca warbaahinta dalka maraykanka ah, iyo xidhiidhada tooska ah ee wadamada shan iyo tobanka ee xubnaha ka ah golaha amaanka immikadan, arrintaasi tafaasiil fara badan ayey leedahay oo soo bandhigisteeda aan maqaal ku filnayn oo ku fiican in si ballaadhan loogu sharraxo qoraalo badan.

Fikrada 2aad o ah fikrada daba socota saxeex ururinta oo aan saraakiisha u sheegay in arrintani ay ku fiican tahay in qurba joogta reer Somaliland ay iyagu is abaabulaan oo ay dalalka ay dagan yihiin ka ururiyaan muwaadiniinta Somaliland ee dhalashada wadamadaasi sidatay iyo kuwo kaleba ee asal ahaan wadankaasi uga soo jeeda, saxeexyadaasi oo marka ay gaadho milyan iyo in ka badan ay noqoto mid ay ku cadaadiyaan siyaasiyiinta dawladaha reer galbeedka ee saxeexyada laga uruuriyay, wadamadaasi oo iyagu ah kuwo diimuqraadi ah oo dareenka shacabkoodu saamayn ku leeyahay siyaasadooda.

Aan maqaalkan ku soo koobo kaliya labadan fikradood anigoo arrinta aqoonsiga Somaliland ka diyaariyay daraasad iyo maskax-tuujin xoogan oo ay jiraan fikrado kale oo door ah, oo laga yaabaa in aan maqaalo kale ku soo bandhigo Insha Allaah.

Su’aashii kama dambaynta ahayd ee aan saraakiishaasi waydiinaayo waxay tahay, Ma waxay doonaynaa in aynu u dabaal dagno 18-May oo ah maalin aniguba aan aaminsanahay in si weyn loogu dabaal dago? Mise waxaynu u ka shaqaynaynaa aqoonsiga Somaliland? Ma Inaga Dhabbaa in Aynu Aqoonsi Doonayno?

Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

This post is also available in: Somali

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>