Wefti Xukumadda iyo Xisbul-xaakimka Somaliland ah oo Kulamo La Yeeshay Safiiro iyo Diblomaasiyiin Nairobi ku Sugan

Kenya – (warsoor) – Wefti uu hogaaminaayey gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka kooban dawladda Somaliland iyo hogaanka xisbiga oo maalmahan ku sugnaa magaalo madaxda Keyna ee Nairobi ayaa kulamo la qaatay qaaar ka mid ah safiiradda dalalka Somaliland taakuleeya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE kuna saxeexan yahay afhayeenka Xisbigaas Xasan Axmed Gaafaadhi ayaa lagu shaaciyey hawlihii weftigu u tageen magaaladda Nairobi iyo kulamaddii ay la yeesheen diblomaasiyiin iyo safiiradda dalalka Somaliland taakuleeya.

War-saxaafadeedkan ayaa u dhignaa sidan:

“Wefti ka socda dawladda Somaliland iyo xisbal-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo safar hawlo shaqo ah ku maraya dalal ay ka mid yihiin kuwa gobolka, ayaa kulamo la yeeshay safiirro iyo dublamaasiyiin ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Weftiga Somaliland waxay kulan ballaadhan xarunta Safaaradda Denmark ee magaalada Nairobi kula yeesheen qaar ka mid ah safiirrada waddamada Midowga Yurub ee ka caawiya Somaliland dhinacyada horumarinta iyo doorashooyinka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya, kuwaas oo ay ka mid yihiin; safiirka Denmark Amb. Mette Knudsen, safiirka dalka Finland Amb. Tarja Fernandez iyo ku-xigeenka safiirka safaaradda Holland ee Nairobi iyo weliba Madaxda hay’adda mucaawada dibadda u qaabilsan dalka UK ee DFID, ahna guddoomiyaha guddiga beesha caalamka ee arrimaha dimuqraadiyadda kala shaqeeya Somaliland Mr. Angus Miller.

Guddoomiyaha KULMIYE iyo wasiirrada Somaliland waxay safiirrada ay la kulmeen wadahadal iyo xog-warran ka wadayeesheen guud ahaan xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka socota dalka, u diyaargarowga doorashooyinka, abaaraha iyo taakulaynta dadka ku waxyeeloobay, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo sidii loo heli lahaa fursado shaqo oo wax lagaga qabto tahriibta iyo arrimo kale.

Kulanka Nairobi

Qodobadaasi lagu lafaguray kulanka waxa dhammaantood laga gaadhay is-faham, iyadoo weftiga Somaliland iyo safiirraduba isla qaatay in dhinac waliba dardargeliyo wixii ka khuseeya arrimaha laga wadahadlay.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxay hore shirar ugu soo yeesheen magaalada Addid Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo sidoo kalena Wasiirrada Khaarajiga iyo Madaxtooyada – Dr. Sacad Cali Shire iyo Maxamuud Xaashi Cabdi ka soo laabteen waddanka Turkiga maalmo ka hor oo ay hawlo shaqo u tageen, waxaanna la filayaa in kulamo kale oo dheeraad ah ay dublamaasiyiin iyo masuuliyiin kale ku dhexmaraan magaalada Nairobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.