Shirqoolka qawlaysatada qasriga somaliland iyo saamaynta ay ku yeelan karto siyaasada musharaxa xisbiga kulmiye

Inkasta oo Madaxweyne  Silaanyo iyo casaabada ku xeerani ay taageero siyaasadeed u muujiyeen Musharaxa Madaxweyne ee doorashada inagu soo foolka leh ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muse Bixi loolankii u dambeeyey ee Garabka isbahaysiga ee markii dambe dawlada ka baxay, haddana waxaa mudooyinka u dambeeyey ka taagan Qasriga dalka looga taliyo ifafaale ka dhan ah hamiga iyo horusocdka Musharaxa Xisbiga kulmiye. Dhawr arimood ayaanan is odhan karaa sal ayay u yihiin turaanturooyinka horta leh ee casaabada qasrigu u dhigayaan hogaamiyaha kulmiye hanka ku guuleysigiisa hogaaminta qaranka doorashada qabsoomi doona Haddii Alle Idmo 2017.

Arinta kowaad; masuuliyiinta wasiiradu ugu horeeyaan ee madaxatooyada laga soo magacaabo mudooyinkan dambe oo ah ashkhaas aad u tayo liita oo aan lahayn waayo aragnimo siyaasadeed iyo mid bulsheed toona islamarkaana aan metalin degaanada ay kasoo jeedaan. Waxaynu ka warhaynay marka madaxweynu wasiir magacaabayo waxa uu la tashan jiray waxgaradka iyo odayaasha degaankaa kadib cid ay ogolyihiin ee ay wataan ayaa lamagacaabi jirey ,haddase Casaabada qasriga ayaa cida ay doonaan magacawda. Mar hadii uu arin sidaas yahay tani waa Caqabada kowaad ee loogu talagalay Musharaxa xisbiga kulmiye inuu ku fashilmo tartanka doorashada madaxtooyada, maadaama oo aanu jirin wasiir degaankiisa uga soo ollolayn kara xisbiga. Nin Oday ah oo aqoon yahay ah ayaan la kulmay dhawaan waxa uu ii sheegay in uu booqday ku yar oo degaanka uu kasoo jeedo wasiir looga dhigay inaan waxyaabo badan oo xaga degaanka ah kala taliyo ayaan ugu tagay ayuu igu yidhi haseyeeshee yarkii wasiirka ahaa waxaan kala kulmay oo uu ii sheegay inuuna isaga degaan iyo reer midna wasiir ka dhigin ee ay taa iska illaawaan “ Aniga Degaan ima keenin reerna ima keenin Aqoon aanu Qoyska qasriga isku lahayn ayaan ku imid ee nabadgalyo” sidaas  warkoodu wada weeyi.

Arinta labaad;  waxaa jira wasiiro kale ,agaasime-yaal guud iyo qaar kale oo madax looga dhigay hay’addaha kale ee xukuumada oo wali  taageersan siyaasada Garabka Isbahaysigii kulmiye ee kasoo horjeeda Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye; waxaa haddaba isweydiinteeda leh masuuliyiintaa Xukuumada ka tirsan ee haddana lidiga ku ah siyaasada xisbigii Xukuumada dhalay cida meesha ku illaashanaysa ee ku haysa ee raalidana kaga ah badheedhahooga?  Tani iyana waa caqabad labaad oo loo maleegay Hogaanka kulmiye , maxaa yeelay , masuuliyiin xilal cokon xukuumada ka haya oo haddana lugta hayaa xisbi xaakimkii guuli ka dheer! Waxaan dhawaan soo bandhigi doonaa Shakhsiyaadkaasi cida ay yihiin , wasaaradaha , hay’addaha madaxa banana  iyo Goobaha ay isugu yimaadaan ee ay ku kulmaan……!

Arinta seddexaad , oo iyana dhabarjabka ku ah musharaxa xisbiga kulmiye waa Goobaha codbixinta ee gobolka maroodijeex oo laga dhigay 50 goobood halka markii hore ay ka ahaayeen 137 goobood. Sababta ka dambaysa ee talaabadan loo qaaday faahfaahinteed dadweynaha ayaan u dhaafayaa……….!

Gabagabadii;  Shirqoolka Qawlaysatada Qasriga Somaliland ka talisaa waxay markale u xadhko xidheen sidii ay u Curyaamin lahaayeen Siyaasada Musharaxa Xisbiga Kulmiye; maadaama iyaga wakhtigoodii dhamaaday oo ayna dan ka lahayn hadii kulmiye soo baxo iyo hadii uu hadhaba; wakhtigana ay ku guda jiraan Xoolo urursi iyo xaalufinta hantidii iyo khayraadkii dalka iyaga oo aan waxna reebanahay ceebna aan ka baqanayn Casaabad ahaan balse sumcad dilis ku ah Musharaxiinta xisbiga iyo guud ahaan bahweynta xisbiga kulmiye ee tartanka madaxtinimo ee doorashooyinka soo socda.

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.