Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabiley, Agaasimaha fulinta ee shirkada sahaminta iyo soo saarista shidaalka ee RAK-Gas

Hargeysa – (warsoor) – Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane,  Axmed Maxamed  Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley, Agaasimaha fulinta ee shirkada sahaminta iyo soo saarista shidaalka ee RAK-Gas, Mr. Nishant Dighe oo uu wehelinaayey Mr. Tom Bidwell oo ah agaasimaha dhinaca sharciga ee shirkadaasi.

Masuuliyiinta shirkadan oo socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay wax uga ogaan lahaayeen, una baadhi lahaayeen shidaalka dalka ku duugan ayaa sahamin iyo soo saarisba ka fulindoona laba goobood oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Madaxweynaha ayaa weftiga ku soo dhaweeyey hadal isugu jira xogwaran iyo qaabilaad, isagoo ugu horaynba u sheegay inuu dhiirigelinayo cid kasta oo dalka khayraadkiisa waxka qabanaysa, hadday noqoto sahamin, soo saaris shidaal iyo khayraadka kale ee ku duuganba dalka, isagoo madaxweynuhu tilmamaay in waxqabadka noocaas ahi waxtar iyo faaiido u leeyahay dalka iyo dadkaba.

Madaxweynuhu waxa uu u gudbay inuu ka warbixiyo nabadgelyada dalka iyo dadka somalilandba ay ku naaloonayaan, waxanu yidhi “wadankayagu waxa uu haystaa, Illaahay mahaddii, nabadgelyo taama, shaqaalihiina iyo qalabkiina toona uma werweri doontaan, meel kasta ayaad wakhti walba mari kartaan, kana shaqayn kartaan, mar kale ayaan idin leeyahay soo dhawaada”.

Dhiniciisa agaasimaha fulinta ahna madaxa weftiga Nishant Dighe ayaa madaxweynaha iyo xukuumadiisaba uga mahadceliyey soo dhawaynta, waxanu intaa raaciyey inuu horena dalka ugu soo dhaweeyey wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland.

DSC_0038

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu masuulku yidhi ”Madaxweyne, waxa naga go’an in aanu shaqo waafiya ka qabano dalka, labadeena dhinacna ay ugu jirto faaiido, taasoo abuuridoonta fursado shaqo oo muwaadiniinta Somaliland ka faaiidaysan doonto, sidaas ayaanu kaga wakiilnahay Amiirka Ras Al-khayma oo ka tirsan Isu-taga Imaaraadka Carabta, sheekh Sacuud Bin Saqar Al-Qaasimi, ahna maamulaha guud ee RAK-Gas, maamulkeeduna hoostago dawladda Isu-tagga imaaraadka Carabta ”.

Markii laga soo baxay shirkaasi waxa saxaafada la hadlay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale, waxanu yidhi “waxan halkan inala jooga wefti ka socda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Imaaradda la yidhaahdo Ras Al-Khayma.

DSC_0046

Shir ayay madaxweynaha la yeesheen hogaamiyaha Shirkada RAK Gas, oo ah shirkad Batrool (Patrol), kana mida sharaaiga dalkeena jooga ee ka haysta sharciga inay dalka wax ka baadhaan.

Shirkada RAK Gas oo ah shirkad laga leeyahay Imaaradka, wakhtigana laba meelood inay ka baadhaan shidaal ay u astaysan tahay kuwaas oo ah gobolka Saaxil ah, sidoo kale waxa iyana shirkada Genel Energy u qorshaysan inay shaqadii ay hore u haysay dib u bilowdo hawlaheedii shidaal qodidda, markaa gudoomiyaha shirkada oo ay ugu horaysa maanta inuu yimaado dalka, ayaa farriin salaan ah uga siday Madaxweynaha amiirka Imaaradda Ras Al-khayma, waxanay shirkadu diyaar u tahay inay dardargeliyaan baadhista shiidaalka.

Ugu danbayn waxa madaxa weftigu uu madaxweynaha gudoonsiiyey hadyad gaara oo uu madaxweynaha u soo diray Amiirka Ras Al-khayma, halka madaxweynuhuna dhiniciisa uu madaxa weftiga gudoonsiiyey hadyad ahayd Khariirada Somaliland.

Waxa kulankaa madaxweynaha ku wehelinayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Ganacsiga, Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr), Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali iyo Afhayeenka Madaxtooyada, halka dhinaca weftiga Ras Al-khayma ay xubnaha sare weheliyeen Eng Axmed Ibraahim Suldaan iyo Maxamed Axmed oo ah masuuliyiinta Shirkada Independent Energy  (MSG)  oo ay hawlwadaag yihiin RAK-Gas.

Halkan ka Daawo Kulanka Madaxweynaha:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.