Xildhibaan Shaaciyay In Safar Ay u tageen Dalka JABUUTI Uu Ku Dhaliyay In La Sameeyo Xeerka Ka Hortaga Tahriibta

Hargaysa – (Warsoor) – Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo maanta Magaalada Hargaysa ugu waramay Warbaahinta ayaa ka hadlay safar ay mudo maalmo ah isaga iyo mudanayaal kale ugu maqnaayeen Dalka Jabuuti ee jamhuuriyada aynu jaarka nahay ee jabuuti.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in ay dawlada jabuuti la kulmeen isla markaana ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen Baarlamaanka jabuuti kuwaasi oo kala faaiidaysanayay sida uu sheegay maadaama ay labada dal isku qaarad ku yaalaan isla markaana ay wadaagaan Derisnimo,Soomalinimo,Af,Dhaqan Iyo Diin.

xildhibaan_CabdiqaadirCabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ugu horeyntii ka hadlay Safar ay ku Tageen dalka Jabuuti iyo wixii ay kasoo Faaiiden mudadii ay ku maqnaayeen halkaasi wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya, “Safarkaas waanu maqnayn waxaanu la kulanay baarlamaanka jabuutiwaxaanu ka wada hadalnaysidii xeerar loo samayn lahaa sida xeerka tahriibta,gudiyaanu la kulanay si fiican oo walaaltinimo lehna way noo soo dhoweeyeen, waayo dawlada jabuuti waa dawlad guun ah,waana dal caalamka wax ku leh oo la aqoonsan yahay, waxaanu kala sheekaysanay sidii ay uga badbaadeen dhibaatooyinka geeska afrika ka taagan”

Xildhibaanka oo wax laga waydiiyay Masiibadii Tahriibta Iyo Da’yartii ku dhimatay badaha waxaa uu sheegay isaga oo ka hadlay waxa uu yidhi, “Horta waan ka tacsiyadeynayaa dhamaanba Somaliland Iyo qoysaskii Arintani ku dhacday,waa arin aad iyo aad noo dhibaysa,qadarkana lama baajin karo,waayo waa wax dhacay inkastoo ay somaliland aad u taabatay,balse hada ka dabatag ma leh ee ka hor tag ayay leedahay,waxaan arkayay sidoo kale qolooyin dad ku eedeeynaya oo lahaa SONYO ayaa ka danbaysa,maaha in masiibadii dhacdaba cid lagu eedeeyo,waa Masiibo dhacday,dalka ku dhacday, anaga nagu dhacday, cid kasta taabatay, waa in lala qaybsadaa muruguda dadkii qosaskii waxani ku dhaceen”.

Xildhibaanka oo ugu danbayntii la waydiiyay sida uu u arko wadahadalada Somaliland iyo somaliya taasi oo mudanayaal kale ku eedeeyen xukuumada inay arintaasi Laasho waxaa uu yidhi, “Horta arinta Somaliya Iyo Somaliland marbay ahayd inaan lasoo qaadi karayn,Balse mar hadii Labada gole isku yimaadeen oo isku afgarteen in cunaqabataynta laga qaado waa Sax, wadahadalkuna maaha micnihiisu Soomaaliya ayaa la Noqonayaa,labada dalbaa isku darsanayana maaha,Hadaba Somaliland iyo Somaliya markay isku jireen dee hantideedii ayaa halkaasi taala,oo xuquuqdeenii baa somaliya inagaga maqan.Waayo dhalinyaradaasi Maysan Tahriibteen Hadii ay haystaan Baasaboor dal la aqoonsan yahay, isla markaana Dalkooda iyaga oo jooga ayay dalban lahaayeen Dalkay doonaan  Baasaboorkiisa”, sidaasi waxaa yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.