Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo kulan la qaatay Hogaanka Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland

HARGEYA – (WARSOOR) – Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay Hogaanka Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in Bisha 1aad ee Sannadka 2022 ay bilaabayaan hawlihii doorashada madaxtooyada gaar ahaana hawlihii Diwaan galinta.

Sidoo kale kulan-kan intii uu socday waxaa laysla qaatay in Saddexda Xisbi Ay Safar ugu baxaan magaalada Nairobi si ay ulasoo hadlaan Deeq bixiyeyaasha.