Maxaabiistii Kenya ka baxsatay oo la soo qabtay iyagoo Soomaaliya u sii socdo

KENYA – (WARSOOR) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay gacanta ku soo dhigeen saddex qof oo ku lug lahaa dambiyo argagaxisnimo oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Raggaan ayaa laga soo qabtay keymaha Enzio ee Mwingi iyagoo ku sii jeeda Soomaaliya.

Maxaabiistan baxsatay ee hadda dib lo soo qabtay waxaa ka mid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sannooo loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Waxaa sidoo kale la soo qabtay Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab.

Raggani ayaa waxaa hadda loo soo wadaa Nairobi si dib loogu celiyo xabsigii ay ka baxsadeen.

Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.