“Hillo BERBERA” Maaligalinta Dekeda Berbera

cabdisamadWaxaa dhagaha shacabka Somaliland ka badatay dekedii waa la wareejinayaa qaar caama ahina waxay dadkii qaadsiiyeen waa la iibinayaa, hadaba sidii wax yihiin aan idinla wadaago fahamkayga ah maaligalinta dekeda berbera ( iyo maalgalin waxay tahay ba).

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada afka somaliga ku hadasha gaar ahaan reer Somaliland oo ay maanta hortaalo arinta maalingalinta berberi, waxaa la yidhi talo waa maalin aad garanwaydo iyo maalin aad gaadhiwaydee maalingalinta dekeda berberi maanta maalin ay kaga haboonayd may jirin, oo waxay Geeska Africa deked lagu soo hirto u ahayd qariyo badan maantase shacabku iyagaa ka markhaatiya inaan berberi la jaanqaadi Karin gabi ahaanba dekedaha geeska ee ay iyadu mar u ahayd hormuudka, wallow uu dadaalay maariyuhu oo mudooyinkii danbe itaalkiisa balaadhinayey,

Berberi waxay mudantahay in la maalgashado cidkastoo maalgashi u baahani waana magaalo xeebeed aduunkana waxaa ugu mudan meelaha xeebaha ah ee dalxiiska loo tago wallow aanay inoo dhisnaynba dalxiis wax la yidhaahdaa yeelkeedi maruunbaa iyana la gaadhiye!

WAA MAXAY MAALGASHI?

Suaashan oo inta badan ah ta u mudan in layswaydiiyo maalgashigu waa laba nooc oo kala ah:

1)      Maalgashi wakhti gaaban: oo ah in laguu maalgaliyo mashruuc lacagta ku baxaysaa aanay aad u badnayd oo dawlad ahaan laysaga bixin karo ogaadana marka dawladi ay dawlad kale ama shirkadi maaligalinta samaynayso bilaash maaha oo faaiido ayay rabaan sanaduhuna waa tusaale ahaan sanad ilaa 5 sano.

2)      Ta labaadna waxaa weeye maalgalin mashruuc wakhti dheer soconaaya oo lagactiisu badan tahay inta badana marka maalgalinta noocan ah la sameeyo waxaa dhacda in lacagtii inta ay soo noqonayso iyo faaiidadiiba inay gacanta ku hayso dawladii maaglinta samaysay ama shirkadiiba waana 5 sano ilaa 30 sano inta u dhaxaysa

Tusaale waxaa kuugu filan maanta shirkadani inta ay gacanta ku hayso dekedo ee dunida ku kala yaala mida kalena waa  muqdisho oo intaa ino jirta DEKEDA IYO MADARKABA waxaa gacanta ku haya shirkad TURKI ah oo u maamusha dakhli u kordha mooyee waxba hoos uma dhicin siday cadeysay dawladu,

Waana sida maalgashiyada dunidu u dhacaan yeynaan ka eegin inankayaga oo dekeda ka shaqeeya ayaa la eryayaa hadii heshiiskani hirgalo ee ka eega danta umada iyo dalka ee mustaqbalka shirkada maaliglinta samaynaysaana dekeda intay qaado kuma rakibayso Emarit-ka ee berbera ayuunbay ahaanaysaa ma la socotaa sheekada walaalow gacaliye.

Waxaan xasuustaa dhalinyaro laga dhaadhiciyey dekedii waa la iibiyey oo TV-yada ka leh bal marka carabi timaadaa la arkaa waxaa dhaca walalow gacaliye way imanaysaa cidna waxba laga waydiinmaayee xikmadan faysal cali waraabe yidhi qaado faysal wuxuu yidhi “CADOWGA WAYNU SAMAYSAN NAQAANAA MANA DIYAARGAROOBI KARNO”” waa run arinkaasi nidaamka iyo kala danbayni meesha aanay ka jirin ee cidkastaaba hadasho waa fawdo dadka dadka hogaaminayaana waxaa ku waajiba inay dadka u cadeeyaan oo aanay kala gaban runta iyo wax hadhow soo bixi doona, maalgashiyada berberi u baahan tahay waxaa ka mida

1)      Berberi waxay u baahan tahay laydh jaban

2)      Berberi waxay u baahan tahay caafimaad jaban

3)      Berberi waxay u baahan tahay biyo jaban

4)      Berberi waxay u baahan tahay maalgalin lagu sameeyo kaluumaysatada

5)      Berberi waxay u baahan tahay dhisida goobo dalxiis

6)      Berberi waxay u baahan tahay dhisida warshada sibidhka

Ninka leh intaa anaa samaynaaya dadka haw sheego cidkale lama siinayee isagaa maalgalintaa la siinayaa

Waxaan ka afeefanayaa inaan dawladana ka tirsanayn xisbina ka tirsanayn ee anigu shaqsiyan aan ka eegay maalgashi muxuu yahay iyo ma u baahanay iyo phopia da dadka lagu xidhay

Cabdisamed xasan hirad

Email” cabdisamedxasan3@hotmail.com

Tell:634199991

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.