Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Masuuliyiin Katirsan Xukuumadda Madaxweynaha Ku Hor-Dhaariyey

Hargeysa -(WARSOOR)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey, masuuliyiin kala duwan oo isugu jirta wasiirro, wasiir-ku-xigeenno iyo madax katirsan hay’adaha madaxa bannaan ee dalka oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Madasha dhaarta oo ka qabsoontay xarunta Madaxtooyada, islamarkaana uu madaxweynuhu goob-joog ka ahaa, ayuu guddoomiyaha maxkamadda sare ku dhaariyey tiro masuuliyiin ah tiro badan oo uu hore madaxweynuhu xilal ugu magacaabay, islamarkaana ay dhawaan golaha wakiilladu ka guteen waajibaadkooda.

Dhaarta kaddib, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu la dardaarmay xubnaha la dhaariyey, waxana uu ugu duceeyey inuu Eebbe ku asturo xilalka qaran ee ay hayaan, isagoo u muujiyey inuu kalsooni badan ku qabo, waxana uu yidhi, Sidaas ayey ku dhammaystirantay sharciyaddii aad masuuliyadda ku qaadayseen, waan idiin ducaynayaa in xilkaas Ilaahay idinku asturo, Dad masuuilyiin ah baad tihiin, kana warwari maayo inaad hawshaas qaban doontaan, Aad iyo aadna waan ugu rajo weynahay inaad xilkaas si wacan uga soo bixi doontaan.”

Masuuliyiinta la dhaariyey ayaa waxa ay kala yihiin, Wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Biyaha, Horumarinta Beeraha, Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Reer Miyiga, wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Warfaafinta, Arrimaha Gudaha ee Amniga, Horumarinta Biyaha, Waxbarashada iyo Sayniska, iyo Guddoomiyeyaasha Baanka Dhexe, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Guddida Qandaraasyada qaranka, ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Maamul-wanaagga.

ALLAA MAHAD LEH

Warbaahinta Madaxtooyada JSL.