adhigii 87aad Ee Golaha Wasiirrada Oo Qodobbo Muhiim Ah Lagaga Dooday

HARGEYSA – (WARSOOR) – Fadhigii 87-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta qabsoomay, ayaa lagaga hadlayo arrimo door ah oo ku saabsan xaaladda Amniga, abaarta baahsan iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, ayaa markii uu shirku soo dhammaaday warbaahinta uga warramay waxyaabihii fadhiga lagaga dooday, waxana uu tilmaamay in xaaladda abaarta ee dalku ugu weynayd waxyaabihii shirka diiradda lagu saaray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Golaha wasiirradu waxa ay si qoto dheer uga wada-hadleen xaaladaha abaaraha dalka, iyada oo madaxweynuhu uu hore ugu dhawaaqay guddi uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenku oo ay ku jiraan dadka wax garadka ahi, hawshoodiina si wacan bay u socotaa, meelihii loogu talogalay iyo sidii ay wax u kala darnaayeenna shaqadii way uga socotaa, xukuumad ahaan waxa la isla gartay in hawshaas si baaxad leh loogu diyaargaroobo, iyada oo lala kaashanayo cid alle iyo ciddii ay hawshaasi qusayso, umadda reer Somaliland iyo dadka muxsiniinta ahba.”

Waxyaabaha kale ee shirka lagaga hadlay ayaa waxa kamid ahaa sidii ay bulshadu uga taxaddari lahayd Been abuurka iyo jaah-wareerka ka socda baraha bulshada (Social media), waxana uu goluhu shacabka usoo jeediyey inay ka dheeraadaan wararka goobahaas lagu faafinayo ee runta iyo xaqiiqadaba ka dheer, iskana hubiyaan wax kasta oo baraha bulshada lagu daabaco.Ugu dambayntii waxa uu wasiirku sheegay in goluhu fadhigooda si qoto dheer ugaga doodeen xaaladda amni ee dalka, islamarkaana uu wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo xog-warran buuxa golaha siiyey uu caddeeyey in amniga guud ee dalku meel wanaagsan marayo. Wa-bilaahi Tawfiiq