Guddiga doorashadda gobolladda waqooyi ayaa shaaciyey Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada illaa saddex kursi

Muqdisho – (WARSOOR) – Guddiga Doorashada kuraasta Gobolladda Waqooyi ee Somaliland, ayaa shaciyay Odayaasha dhaqanka iyo bulshada Rayidka ee soo Xuleysa ergada illaa saddex kursi oo kamid kuraasta golaha shacabka ee BJFS.

Odayaasha Dhaqanka iyo bulshadda rayidka ee soo xuleysa ergada dooraneysa kuraasta ku asteysan Hop#229, Hop#262 iyo Hop@236 ayaa berri loo furaya tababar ku aadan hanaanka doorashadda.