Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL oo kormeeray xaruumaha baadhista badqabka baabuurta ee BBG

HARGEYSA – (WARSOOR) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Md. Ahmed Abokor Mahamed ayaa soo kormeeray xaruumaha baadhista badqabka baabuurta ee “BBG,da” ee Magaalada Hargeysa.

Kormeerka agaasihama guud uu ku tagay xaruumaha baadhitaanka badqabka gaadiidka ee Caasimadda Hargeysa, waxaa ku wehelinaayay Lataliyaha Wasiirka ee Badqabka gaadiid, Md. Siciid Xasan Diiriye, agaasimaha Waaxda gaadiidka Md. Muuse Yuusuf, Maamulaha badqabka baabuurta’ ee Wasaaradda Gaadiidka Md. Yuusuf Maxmuud yuusuf.

Ugu horayn Agaasimaha guud, waxaa warbixin ka siiyay Maamulayaasha xaruumaha baadhista badqabka gaadiidka ee qaybta bariga ”Hass Petroleum iyo qaybta galbeedka ee Al-Sharaf” waxaanay uga warameen qaabka uu u shaqeeyo qalabkani iyo doorka ay ka qaadanayo badqabka gaadiidka, waxaanay bulshada u sheegeen inay kala duwan yihiin qiimaha baadhista baabuurtu.

Agaasimaha gaadidka ee wasaaradda gaadiidka Md. Muuse yuusuf iyo Lataliyaha Wasiirka ee BBG-da Md. Siciid Xasan Diiriye
Oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in dhammaan gobollada dalka laga hirgaliyay islamarkaana si dhamaystiran loo dhaqan galiyay dhammaan gobollada dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Md. Ahmed Abokor Maxamed, waxa uu sheegay in arinta shilalka dawladu Talaabo adag ka qaaday, waxaanay talaabadani ka hortagaysa khasaaraha Naf iyo maalba leh, Waxaanu sheegay in dhammaan kaantaroolada lagu amray inaanu dhaafi karin gaadhi aan wadan summadda cadaynaysa badqabka gaadiidka.