Golaha Wakiilada Oo Uu Maanta U Furmay Ajandaha Kal-Fadhigooda 45-Aad

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta waxaa u furmay ajandahooda kalfadhiga 45naad, halka sidoo kalena mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa inyana waxa dood ka yeesheen siyaasada arrimaha gudaha iyo dibada ee wadanka.

Fadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed faarax ayaa mudanayaasha golahaasi waxaa loo qaybiyey ajandahooda kal-fadhiga 45naad, kaasi oo qodobadiisa ay ka mid yihiin, warbixinta shirgudoonka, guddida joogtada ah iyo guddiyada kale ee golahaasi, uyeedhista masuuliyiinta xukuumada iyo mashaariicda sharci ee golahaasi horyaala.

Waxaanu gudoomiyaha golaha wakiiladu uu mudanayaasha golaha uu ka dalbday in ay ajandahaasi ka soo baraan dagaan soona akhriyaan.