Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Shaacisay Inay Tartan Dhanka Orordka Ah Ku Qaban Doonaan Qaar Ka Mida Gobolada Dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Masuuliyiinta wasaarada Dhalianyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa shaaciyey tartanka orodada oo ay ku qaban doonaan gobolada ee Sool, Sanaag iyo Awdal.

Wasiirka wasarada dhalinyarada iyo ciyaraha Somaliland Md-Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in ay tartankaas orodka ahi yahay mid orodyahana ka qayb qaadanaayaa ay ordi doonaan shan kun oo kilo mitir, kaas oo ka qabsoomi doona saddexdaas.

Wasiir Boos wuxuu kula dardaarmay ciyaar yahanada goboladaas ay ka dhici doonaan tartanadaasi, iyadoo uu intaas ku daray in wasaaraddu halkaas ay ka sii wadi doonta dar-dargelinta iyo kor u qaadida ciyaaraha dalka.