Ciidda Jacaylka ama Ciidda Falantiin’ ka (Valentine’s day)

Tan iyo xilliyadii ay taariikhdu ku magacowdo casriyadii dhexe (Middle Ages) oo ku ekaa qarnigii 15naad, maalinta ay bisha Feebarweri 14 tahay waxaa dunida looga damaashaadi jiray waxa loo yaqaano ‘Ciidda Jacaylka’ ama ‘Ciidda Falantiin’ ka (Valentine’s day), laakiin mar kasta waxaa jiray dadyow ‘diin’ ahaan ama ‘Dhaqan’ ahaan uga soo horjeeday, iyo dawlado mamnuuc ka dhigayey oo xitaa keliya in qofku uu maalintaas ubax cas hadyad u bixiyo ama dhar cas xidho uu ku mutaysanayo xabsi.

Gobalka Aajeh (Aceh) ee dalka Indooniisiya ayaa mamnuucay in la iibiyo hadyadaha la isa siiyo maalinta loogu yeedho Ciidda jacaylka.
Iiraan ayaa iyaduna manuucyada, waxa aanay ku sheegtay caado reer galbeed oo dhaqankeeda lagu bi’inayo.
Ruushka hore ayaa uu ‘u diiday in maalintan lagu sheego ‘Ciidda jacaylka’. Isaga oo maalinta kale ee Haweenka adduunka oo 8 Maarso ah, u beddelay maalinta ‘Haweenka iyo Jacayl”
Malaysiya sannadkii 2005 waxa ay soo saartay Fatwo lagu xaaraantimaynayo in loo dabbaaldego maalinta Jacaylka, waxa aanay soo saartay xeer ciqaabeed xadhig ku ridaya qofka ‘Cidda jacaylka’ u dammaashaada.

Hindiya ayaa markii ay gobannimada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska 1947 kii, waxa ay soo saartay xeer mamnuuc ka dhigaya in la difaaco ama lala damaashaado caadooyinka iyo dhaqannada reer galbeedka, ‘Ciidda Jacaylkuna’ sidaas ayaa ay ku raacday.
Maxkamadda sare ee dalka Pakistan ayaa iyaduna 2017 kii soo saartay qaraar mamnuucaya in loo damaashaado waxa loogu yeedho ‘Ciidda Jacayl’. Waxa aanay ku sababaysay in aanay ka mid ahayn dhaqanka Islaamka, iyo in ay tahay caado reer galbeed oo la soo xawilay.