Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Cabdirashiid X.Ducaale Qambi Ayaa Maanta Si Rasmi Ah Ufuray Tartanka Horyaalka Kubadda Cagta Ee Heerka 1-aad Iyo Heerka 2-aad Ee Gobolka Saaxil

HARGEYSA – (WARSOOR) – Tartankan ayaa Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Garoonka [CABDALLE STADIUM] Iyada oo ay kasoo Qeyb-Galeen Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Fu’aad Axmed Cali, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha Maxamuud Xasan Cabdillaahi, Badhasaabka Gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi, Isuduwaha WDH&Ciyaaraha Gobolka Saaxil Shaafici Jaamac Aadan Iyo Xoghayaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Ee Gobolka Saaxil Mustafe.

Horyaalkan Ayaa Waxaa Ka Qeyb-Galaaya 8-Kooxood Oo Heerka 1-aad ah Iyo 8-Kooxood Oo Heerka 2-aad ah, Iyada oo Lays arki Doono Laba Wareeg.Waxaa Sidoo Kale Xusid Mudan In Tartankan Uu Si LIVE ah Uga Socon Doono Page-ka WDH&Ciyaaraha.