Ciidanka XDS oo howl-gallo ka sameeyay degaanno ka tirsan Jubbada hoose

Kismaayo – (WARSOOR) – Ciidanka XDS iyo kuwa maamulka Jubbaland oo is kaashanaya ayaa howl-gallo qorsheysan ka fuliyay manta degaannada Labi_kuus, Qudus, Yaaq dabeeyl iyo Dharkeeyn oo hoos-taga magaalada Kismaayo.

Howl-galladan oo lagu baacsanayay haraadiga kooxda Al-shabaab ayay Ciidamadu ku bur-buriyay goobo ay Argagixisadu dadka ku dhici jireen iyo Maxkamad beenaad ay lahaayeen nabad-diidka.

Ciidamada wada jira ee halkaasi ka howl-galay ayaa dadka halkaasi ku dhaqan u fidiyay kaalmo kala duwan, maaddaama ay shacabka cuna-qabateeyeen nabad-diidka Al-Shabaab.