Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Sool Oo Xilkii Kala Wareegay Badhasaabkii Hore Ee Gobolkaas

Laascaanood – (WARSOOR) – Bulsho weynta gobolka Sool, gaar ahaana shacabka magaaladda Laascaanood ayaa si balaadhan usoo dhoweeyey badhasaabka cusub ee madaxweynaha JSL dhowaan u magacaabay gobolka Sool oo maanta la wareegay xilkii gobolkaas.

waxa afaafka hore ee magaaladda Laascaanood kaga hor yimid badhasaabka xubno ka tirsan maamulka gobolka Sool, Ka degmada Laascaanood,Cuqaasha gobolka Sool xubno kamid ah ,Ganacsato,Haween ,dhalinyaro iyo xubno kamid ah ururadda bulshadda ee gobolka Sool.

Socdaalka Badhsaabka cusub ee gobolka Sool waxa ku wehelinaayey Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo badhasaabka cusub ee gobolka Gebiley oo hore u ahaa badhasaabkii gobolka Sool,waxaana munaasibad weyn oo ay masuuliyiintani xilka kula kala wareegayeen ay ka dhacday magaaladda Laascaanodo ee xarutna gobolka Sool.

Waxa munaasibadan ay xilka kula kala wareegayeen badhasaabkii hore ee gobolka Sool ahna badhasaabka cusub ee gobolka Gebiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo badhasaabka cusub ee gobolka Sool, horena u ahaa badhasaabkii gobolka Gebiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye kasoo qayb galay, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Agaasimeyaal, Masuuliyiinta gobolka Sool iyo kuwa degmada Laascaanood, Cuqaal, Ganacsato, Dhalinyaro ,Haween iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxa ugu horeyn munaasibadan uu xilka kula wareegaayey Badhasaabka cusub ee gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diirye ka hadlay Maayirka degmada Laascaanood Cabdiraxiim Cali Ismaaciil,Taliyaha Aaga Bari ee Ciidamada Qaranka Somaliland Cali Barre Xuseen, Cuqaal iyo qaybo kamid ah bulshada gobolka Sool, waxaanay ku amaaneen badhasaabkii hore ee gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe wax qabadkii kala duwanaa ee uu ka geystay gobolka Sool intii uu xilka hayey, waxaanay si weyn usoo dhoweeyeen badhasaabka cusub ee gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye,waxaanay ugu duceeyeen in Alle ku asturo xilka loo igmaday iyaga oo u balan qaaday in ay si weyn ula shaqayn doonaan.

Badhasaabkii hore ee gobolka Sool ,waqtigana ah badhasaabka gobolka Gebiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo Badhasaabka cusub ee gobolka Sool ,horena u ahaa Guddoomiyihii gobolka Gebiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye oo halkas hadalo ka jeediyey ayaa uga mahadceliyey shacabka kala duwan ee magaaladda Laascaanood sidii ay usoo dhoweeyeen iyaga oo sidoo kalena balan qaaday in ay wada shaqayn doonaan, shacabkoodana u shaqayn doonaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo isna goobta hadal ka jeediyey ayaa usoo jeediyey shacabka gobolka Sool iyo shacabka magaaladda Laascaanood in ay la shaqeeyaan Badhasaabka cusub ee gobolkaas loo magacaabay,isaga oo cadeeyey in ay muhiimadda kowaad tahay ilaalinta nabadgelyadda.