Al-Shabaab oo Afar qof qoorta ka jaray

Muqdisho – (warsoor) –  Wararka laga helayo degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-Shabaab ay meel fagaare ah qoorta uga jareen afar nin oo ay ku eedeeyeen inay u shaqeeyaan sirdoonada Soomaaliya, Kenya, iyo Maraykanka.

Ragaan Argagixisada Al-Shabaab ay laayeen ayaa waxay kala yihiin.

Siyaad Cali Cabdi oo 26 jir ah.

Yuusuf Makaraan Maxamed oo 58 jir ah.

Axmed Ibrahim Hirre oo 28 jir ah.

iyo Cabdalla Cumar Xasan oo 26 jir ah.

Maleeshiyada ayaa sheegay inay dadkaan u arkaan inay dhibaato ku yihiin dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.

Argagixisada ku sugan qaybo ka mid ah Soomaaliya ayaa caadeystay inay laayaan shacabka Soomaaliyeed ayaga oo u dilaya qaab kasta ay u arkaan inay macquul u tahay ayaga.

Xigasho: SONNA

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.