Akrisho: Qudbaddii Madaxweynaha Somaliland Ka Jeediyey Xuska 18 May

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa maanta xarunta madaxtooyadda Horteeda ka akhriyey qudbad dhinacyo badan taabnayso oo ka hadlay sooyaalkii ay taariikhda Somaliland u soo martay gooni isku taagan.

DSC_0262

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qudbadiisan ku soo qaatay harumarka Somaliland ay ku talaabsatay 25-kaa sano ee ay ahayd qaran jira oo gaadhay guulo horumarineed.

Hoos ka akhriso qudbadii madaxweynaha oo dhamaystiran oo aanu ka helay xarunta madaxtooyadda Somaliland.

 Bismilaahi Raxmaani Raxiim,,,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Ugu horeyn, waxaan hambalyo iyo boggaadin balaadhan hawada u marinayaa dhammaan Shacbi-weynaha Somaliland meel ay joogaanba Xuska 25 Guurada Munaasibadda Qarannimada Somaliland ee 18-ka May.

Rubuc qarni ayaa maanta laga joogaa markii aynu la soo noqonay Madax-bannaanideenii inaga murkacatay 1960-kii.

Muddadaa shan iyo labaatanka sannadood ah ee aynu ahayn Dal iyo Dawlad xor ah, waxa hubaal ah in aynu gaadhnay guulo waaweyn oo ina ilawsiiyey xanaftii iyo xannuunkii inaga soo gaadhay 31 sanno ee aynu ka midka ahayn Dal-weynihii Soomaaliya.

  • Waxaynu yagleelnay qaran taabo-gal ah, oo buuxiyey dhammaan shuruudihii dawladnimo.
  • Waxaynu tirtirnay keli-talisnimadii iyo nidaamkii ku dhisnaa amar ku taagleynta.
  • Waxaynu meel-marinay doorashooyin xor ah iyo nidaam dimuqraadiyadeed oo ay inagaga dayan karaan dalal badan oo dunida laga aqoonsan yahay.
  • Waxaynu xaqiijinay in aynu khilaafka dhexdeena ku xalinno xigmad siyaasadeed iyo xeer-beegtinimo salka ku haysa dhaqankeena soo-jireenka ah, iyadoo aanay cidina gacan ka geysan ama la ina dhexgelin, taas oo muujinaysa bisaylka Bulshada Somaliland.
  • Waxaynu ku tallaabsanay horumar mug iyo miisaan leh oo wax-weyn ka bedelay adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, kaabayaasha dhaqaale iyo hantida gaarka loo leeyahay.

Maanta oo aynu jirno qarni rubucii, dugsiyada Dhexe/Sare ee dalka waxa ku jira rubuc malyuun Arday, taasi waxay muujinaysa faraqa isbeddelka korodhka iyo koboco Bulshada Somaliland ku yimi muddadii aynu ahayn dal madax bannaan.

Guushaa ballaadhan ee inoo soo hoyatay, waxa galladdeeda koowaad iska leh Allaheenna Weyn ee awoodda badan.

Mar labaad, waxaan hambalyo diiran u dirayaa naftood hurayaasha habeen iyo maalin heeganka ugu jira difaaca dalka hooyo, kuwaas oo ay shacbigoodu hilow u hayaan, isla markaana habayaraatee aan wax hagardaamo ah gaadhsiin.

Waxaan u mahadnaqayaa qoor-weyntii Golaha Guurtida iyo Madax-dhaqameedyada dalka ee dhidibada u taagay nabadda iyo deganaanshaha Alle inagu manaystay, kuwaas oo Beelaha iyo Bulshada Somaliland boggooda iyo beerkooda burcad isu-mariyey. Raggaa in badan oo ka mid ah maanta way inaga hooseeyaan, ilaahay waxaan uga baryayaa inuu u danbi dhaafo, naxariistii jannana ka waraabiyo, Aamiin.

Sidoo kale, waxaan u ducaynayaa halyey-yadii ku shahiiday halgankii qadhaadhaa ee loo soo maray dib-u-xoreynta Somaliland.

Waxaan bogaadinayaa waayeelkii iyo wax-garadkii isugu jiray Garaaddo, Sulaadiin, Caaqillo, Culimo iyo Siyaasiin ee seeska u dhigay midnimada, wada-jirka iyo jiritaanka Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan ku bogaadinayaa Ganacsatada iyo Qurba-joogta Somaliland kaalinta weyn ee ay ku leeyihiin koboca dhaqaalaha, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, taas oo ah mid aan la qarin karin, lana illaawi karin.

Waxaan hambalyeynayaa haldoorkii kala duwanaa ee ka soo-qayb-qaatay Dib-u-dhiska Dalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dadka Somaliland.

Waxaan u mahadnaqayaa inta nool madaxdii iiga horeysay hoggaaminta talada dalka Mudane, Daahir Riyaale Kaahin, Mudane, Xasan Ciise Jaamac, Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin.

Sidoo kale, waxaan u ducaynayaa intii dhimatay Marxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Eebe Ha U-naxariisto.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Midowgii dhex-maray labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya 1960, wuxuu bur-buray 18-kii May 1991-kii. lama mahadin midnimadii Soomaaliyeed ee muddada dheer la naawilayey.

Nasiib darro, waxa laga dheefay oo qudha nacayb, niyad jab iyo naxli la dhex-dhigay Ummaddii Soomaaliyeed ee hilowga iyo kalgacalka isu-haysay.

Dhinaca kale, Sawirkaas xumi wuxuu u quusgooyey qaybihii kale ee quud-daraynayey in ay mustaqbalka ku soo biiraan Qaran weyn oo ay Qoomiyadda Soomaaliyeed ku dhan tahay.

  • Haddii Soomaliyi wada noolaan kari weyday, wuxuu caqliga fayoobi ina farayaa inay iskeed u kala noolaato.
  • Haddii wax la wadaagi kari waayo, waxa furan in wax la kala yeesho.

Sidaa darteed, waxaan aaminsanahay in talo wanaagsan iyo tallaabo sax ah ay qaateen walaaladeena Soomaaliyeed ee ku kala nool Jabuuti, itoobiya iyo Kiiniya.

Waxaan jecelahay in aan ku hambalyeeyo himilada toosan iyo horumarka weyn ee ay gaadheen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi.

Waxaan ahay Oday Guud oo Soomaaliyeed oo waaya arag ah, uma aqaan in ay tahay Soomaalinimadu Siyaasad iyo Sabo la wadaago. Hase yeeshee, Soomaalinimadu waa sinji ka dhexeeya ummad balaadhan oo aan dal iyo dawlad qudha wada lahayn.

Qoomiyadda Soomaaliyeed ee aanu ka midka nahay waxa mideeya abka, isirka iyo afka oo keli ah.

Duco-qabayaal,

Marka ay dhegahayaga ku soo dhacdo dhawaaqa Soomaaliyeey Toos, Toos oo isku Tiirsada, Jibaddii na Qaadi Jirtay iyo Jiidhkii Na Dubaaxin Jiray, Walaalayaal Xididkii dareemayaasha xambaari jiray waa idinkii jaray jiridiisii.

Waxaan idin leeyahay Soomaaliyeey, Gobonnimadii La gardaadiyey iyo gaawihii loo culay geelii dayr dhalka ahaa ee la isku sidkay, idinkaa gudhiyey, oo gacalkayow gacantiina ku gaagixiyey!

Walaalayaal,

Waxaannu nahay gob sabirka iyo in la isa-saamaxo taqaan, ma nihin dad cadho hayso, mana nihin dad calool xun iyo ciil kama korayaal.

Hase yeeshee, waxa habboon in aad garwaaqsataan xaqiiqda hortiina taal. Waxa habboon in aad kala garataan shalay iyo maanta inay kala duwan yihiin Dadka Reer Somaliland.

Waxaan idin leeyahay naftiina haku maaweelinina malo awaal iyo been aan misciriirtiina dhaafsiisnayn.

Sidaa darteed, Dadka iyo Dalka aan Odayga u ahay idiinma soo socdaan oo way tashadeen, ee duco-qabayaal idinkuna isku tashada oo aan kala turxaan la’aano.

Walaalayaal,

Murti Soomaaliyeed baa tidhaahda “Dan Buu Reer Guuraa”, haddii aannu ahayn shalay kuwii midnimada doortay ee isku darkii labada dal ka dambeeyey, maanta waxaanu doorbidnay in aannu noqono dal gaar ah.

Waxaannu dan moodnay in aynu kala noqono laba dal sidii aynu ahayn 56 sanno ka hor.

Waxaanu doorbidaynaa in aynu noqono deris wanaagsan iyo gacal is-dugsada oo nabad iyo niyad sami abid ku wada noolaada.

Maalgelinta Dekedda Berbera

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan aaminsanahay oo aqoon ahaan la igu soo ababshay in uu yahay hoggaamiyaha wanaagsani ka lagu hirto ee leh hal abuur iyo himilo fog oo uu dalkiisa Hooyo ku horumariyo.

Tan iyo intii aan hano-qaaday, kontonkii sannadood ee la soo dhaafay, waxaan haaneedka iyo hareerta hayey hawl ummaddaydu leedahay.

Xaashee, habeen kuma seexan in aan ka horumariyo dantayda gaar ahaaneed maslaxada guud ee dalkayga iyo dadkayga.

Dabcigaa iyo dareenkaasi waxay igu kelifeen in aan hadh-galay ka hor imaaddo Dawladdii Milateriga ahayd ee aan ka midka ahaa, ka dib markii aan yaqiinsaday in la marin habaabiyey Hoggaankii iyo Hayaankii Bulshada Soomaaliyeed.

Ka midho-dhalinta mabda’an aan ku doojinayey mustaqbalka dadkayga waxaan u soo maray dagaal qadhaadh iyo duruufo adag, waxaanan diyaar u ahay in aan u dulqaato tan iyo inta aan ku god-gelayo.  

Markii la ii doortay inaan dalkan ka noqdo Madaxweyne, wuxuu maamulkaygu bilaabay in uu hirgeliyo horumar balaadhan iyo isbeddel laxaad leh, kaas oo salka ku hayey hamigii iyo hiigsigii aan muddada dheer hilaadinayey.

Mashaariic waaweyn oo wax ku ool ah ayaannu ku dhiirannay, kuwaas oo leh wax dhammaaday iyo wax socda.

Si gaar ah waxaan isha ugu hayey dib-u-dhiska Dekedda Berbera oo ah marso ganacsi oo muhiim u ah Mandaqada Geeska Afrika iyo Marin Biyoodka Badda Cas.

Aniga oo ah Wasiir ka tirsan Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, ayaan ku dagaalamay fulinta iyo meel-marinta balaadhinta Dekedda Berbera lagu sameeyey 35-sanno ka hor iyo mashruucii Warshada Sibidhka.

Haddaba, maanta oo aan Somaliland Madaxweyne ka ahay, Dekedda Berberina dib-u-dhis uga baahi badan tahay maalintaa hore, waxaa isweydiin leh waa maxay waajibka igala gudboon casriyeynta iyo balaadhinta Dekedda Berbera? maxaase la filayaa in lagu xasuusto xukuumadayda? waxaan leeyahay Nin Ragi Wuu Garanaya Nacasna loo Sheegi Maayo.

Sidaa darteed, Dib-u-dhiska Dekedda Berbera waxay u ahayd bar-tilmaameed barnaamijka Wax-qabadka Xukuumaddayda.

Baryo joogta ah oo aad asaagaa gacmaha hoos dhigato maalin kasta, laguma baahi baxo, burjina laguma yeesho, balse waxay ummad gob ahi horumar ku gaadhaa dedaal, isku-duubni, is-aamin iyo isku tashi.        

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Biyo Sacabadaada ayuun baa lagaga dhargaa”.

Ma aaminsani in maanta dalkeena aynu ku dhisi karno deeq iyo deyn aynu ka sugno dalal shisheeye. Hase yeeshee, markaan eego waaya-aragnimada iyo aqoonta aan u leeyahay hab-dhaqanka dunida iyo cilmiga dhaqaalaha ee aan ku takhakhusay, waxaan aaminsanahay in maanta dariiqa ugu habboon ee aynu ku dhisi karno dalkeena hooyo uu yahay in aynu la nimaadno Siyaasad Ganacsi furfuran oo xor ah oo aynu ku soo jiidanno maalgashi caalami ah oo ku dhisan dano wadaag.

Aniga oo ka duulaya aragtidan, waxaan Guddi Wasiirro ah u magacaabay maalgelinta Marsada Caalamiga ah ee Berbera.

Muddo aan ka yarayn 3-sanno ayaa sahan iyo baadi doon loogu jiray sidii loo heli lahaa maalgelin munaasib ah oo ka turjumaysa maslaxaddeena. Nasiib wanaag, waxaan dhawaan la galnay heshiis maalgashi iyo iskaashi ganacsi shirkadda DP WORLD ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabka.

Heshiiskan waxaannu dhakhso u horgeyn doonnaa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, si uu u noqdo mid dhaqan-gal ah.

Shirkaddani waxay sida ugu dhakhsaha badan u dhisi doontaa Deked cusub oo casriya oo 400 oo mitir ah iyo Container Terminal. Sidoo kale, waxa dib u hagaajin iyo qalabayn lagu samayn doonaa dekeddeena jirta oo u baahan dayactir badan.

Intaa waxa dheer (Free Zone) samaynta saylad ganacsi oo xor ah iyo dhismaha jidka isku xidha Berbera-Wajaale oo hal-bawle u ah mashruucan.

Heshiiskani wuxuu wax weyn ka bedeli doonaa nolosha iyo dhaqaalaha Bulshada Somaliland, waxa kale oo uu dhiiri-gelin u noqon doonaa mashaariic kale oo muhiim ah iyo shirkado caalami ah oo dalka maalgashi ku sameeya.

Dhinaca kale, maalgashigani wuxuu fursado shaqo u abuurayaa xoogga dhallinyarada dihin ee shaqo la’aantu hayso.

Wuxuu kor u qaadaya xidhiidhka iskaashiga ganacsi ee aynu la leenahay dalalka deriska.

Waxaan ku bogaadinaya bulshada Somaliland sidii ay u soo dhaweeyeen Heshiiskan dhaxal-galka ah.

Waxa hubaal ah in Dekedda Berbera ay noqon doonto Eebe idamkii maalin aan fogeyn marin caalami ah oo la majeerto iyo mid ka mid ah marsooyinka ugu waaweyn dunida, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika.

 

Dalalka Deriska

Mudanayaal iyo Marwooyin, –

Dawladda Somaliland waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u haysaa dalalka ay deriska yihiin ee Itoobiya iyo Jabuuti. Dalalkaas waxaynu nahay saaxiibo iyo jaal aad isugu dhow.

Cadowgoodu waa cadowgeena, Cadowgeenuna waa Cadowgooda”

Waxaannu aaminsanahay in shucuubta ku dhaqan dalalka Geeska Afrika ay yihiin dad walaalo ah oo dano badan wadaaga.

Waxaannu aaminsanahay in Sareedada iyo Samaha Mid u Soo Kordhaa, uu Yahay Sed inta Kale u Siyaaday

Sidaa darteed, waxaa maamulkayga ka go’an in aannu xoojinno xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dalalka deriska ah, la iskana kaashado adkaynta amniga, la-dagaalanka argagixisada, budhcad badeedda, Tahriibka, Faqriga, Gaajada iyo Kootarabaanka ama Ganacsiga Sharci-darrada ah i.w.m.

  • Waxaan ugu baaqayaa Beesha Caalamka, gaar ahaan  Dalalka Midawga Yurub, Maraykanka, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta, Dawladaha IGAD in ay garwaaqsadaan qadiyada iyo xaqa aayo-ka-tashiga Shacbiga Somaliland, isla markaana aqoonsadaan qarannimadooda.
  • Waxaan xog-ogaal ka ahay in qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Sanaag Bari ay ku jirto tabasho iyo saluug. Somaliland waxay ku soo caano-maashay in khilaafka dhexdooda yimaadda ay ku dhamaystaan wada-hadal, is-qancin iyo isu-tanaasul.

Waxaan aaminsanahay in wada-hadalku yahay dariiqa keliya ee lagu xalin karo turxaanta dhexdeenna taal.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa walaalahayo wada-hadal iyo gogol nabadeed.

  • Shacbi-weynaha Somaliland waxaan ugu baaqayaa:

Ø  In ay meel uga soo wada-jeestaan ilaalinta qarannimadooda, adkaynta nabadda iyo deganaanshaha dalkooda.

Ø  In ay u midoobaan maslaxadda iyo danaha guud ee dalka.

Ø  In ay meel uga soo wada jeestaan horumarka iyo dhismaha dalka.

Ø  In ay si mug leh uga qayb-qaataan Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Doorashooyinka dhici doona 27-ka bisha March 2017-ka.

 

Wa Billaahi Taqwfiiq…

DSC_0262

????????????????????????????????????

DSC_0181 DSC_0191 DSC_0087 DSC_0497 DSC_0579 DSC_0558

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.