Aasaaskii dawladda yuhuuda ee dhulka falastiin W/Q: Maxamed Cabdiqadir Jaamac

Waa maqaalo taarikheed ku saabsan sidii ay yuhuuda ugu suurogashay in ay dawlad ka istaajiyaan dhulka barakaysan ee falastiin sannado kooban gudahood.

 Qormada 1aad

Hordhac

maxamed-cabdiqaadir-jaamac
Maxamed Cabdiqaadir Jaamac

Dhacdooyinka qarnigii lasoo dhaafay iyo kan aynu ku dhex jirnoba caalamka saamaynta taban ku yeeshay gaar ahaan muslimiinta waxaa ka mid ah loolanka ka taagan gobolka bariga dhexe gaar ahaan ka u dhexeeya dadka reer falastiin iyo yuhuuda ka soo boqooshay caalamka oo dhan ee isugu timi dhulkaa isaga ah.

Haddaba waxaynu maqaaladan insha Allah si faahfaahsan ugaga hadli doonaa halka uu asal ahaan murankan iyo dhibaatadan ka taagan dhulka barakaysan ee falastiin ka soo bilaabmeen laakiin intaynaan gelin waxaynu si kooban u dul mari doonaa taarikhdii hore ee falastiin.

Juqaraafi ahaan falastin waxay ku taalaa koonfur galbeed Aasiya (Asia) oo ah gobolka bariga dhexe.

Bed ahaan waxaa lagu qiyaasaa bedka dhulka falastiin 27009km2, waxay dhinaca waqooyi xuduud kala leedahay dalalka suuriya iyo lubnaan, dhinaca galbeedna bada dhexe (medetreanian sea), koonfurna waxay xuduud la wadaagtaa jamhuriyadda carbeed ee  masar iyo gacanka al caqaba, dhinaca barigana waxaa ka xiga dalka urdun (Jordan).

Waxay muslimiintu furteen dhulka loo yaqaano falastiin sannadihii 13aad ilaa 18aad ee taariikhda hijriga oo uu muslimiinta u talinaayay saxaabigii weynaa ee cumar binu khadaab,

Furashadaa wixii ka danbeeyay waxay u kala danbaysay gacmaha dawladihii soo maray musliminta ilaa laga soo gaadho dagaaladii crusedes ama al xuruubu saliibiya oo dawladihii kiristaanka ee yurub ka dhisnaa ay weerar ku soo qaadeen dhulka loo yaqaano shaam ee ay falastiin ka mid tahay oo ay qaybo badan oo ka mid ah oo qudus iyo meelo kale oo muhiima ay gacanta ku dhigeen isla markaana ay sannado badan ku sugnaayeen laakiin taasna way ka soo kabteen muslimiintu waxaanay awoodeen geesiyayaashi musliminta ee dawladihii ayuubiyiinta iyo mamaaliktu in ay dib gacanta musliminta ugu soo celiyaan dhulkaa.

Sidoo kale waxaa muddo kooban gacanta ay u gashay qolooyinkii la odhan jiray tataarka oo dhibaato aan iyadoo kale la arag u gaystay muslimiinta gacantana ku dhigay inta badan dhulkii muslimiinta ilaa ay ka rideen khilaafadii cabaasiyiinta ee kulminaysay dadka muslimiinta ah waqtigaana waxaa dib ugu soo celiyay gacanta muslimiinta dawladii mamaalikta gaar ahaan  halyaygii weynaa ee caanka ahaa sayfudiin quduz, waxaana muddo badan kaga gudbanaa gacanta cadawga dawladaa mamaalikta ilaa ay kala wareegtay hogaanka khilaafadii weynayd ee cusmaaniyiinta ee mudada aadka u dheer kulminaysay caalamka islaamka gaadhsiisayna diinta Islaamka meelo badan oo aanay hore u gaadhin isla markaana ay mar ahayd awooda koowaad ee dunida. laakiin markasta oo  muslimiintu ay ka fogaadaan sababaha guusha kana leexdaan ku dhaqanka diintooda waxaa xiga hoos u dhac kaas oo aanay ka soo kabanin ilaa ay diintoodii dib ugu noqdaan.

Waxa uu yidhi saxaabigii weynaa ee cumar binu khadaab Alle raali ha ka noqdee waxaanu nahay dad ilaahay ku sharfay diinta islaamka markasta oo aanu sharafta ka raadino meel aan islaamnimada ahayn ilaahay wuu na duleeyaa.

Hoos u dhacan u danbeeyay ee ku dhacay muslimiinta wuxuu keenay in ay burburto dawladdii cusmaaniyiintu ee ilaalinaysay guud ahaan dhulka muslimiinita taas oo ay burburkeedaa si toos ah uga dhalatay in gacanta muslimiinta ay ka baxaan dhulalkoodii qaar badan oo ka mid ahi ayna gacanta ku dhigaan gumaystayaashii reer galbeedku.

Dhulkaa ka baxay gacanta muslimiinta muddo badan kadib waxay ku soo noqdeen gacanta muslimiinta oo ciidamadii shisheeye waa layska saaray inkastoo gumaystuhu markuu tegaayay uu ku dedaalay in ay xukunka qabtaan dad isagu uu sii calmaday uuna ku fushan karo danihiisa uu ka leeyahay goobtaa, taas oo ka dhigtay bixidii gumaysiga ayax tag eelna reeb.

Hase yeeshee goobahaa qaarkii gumaysigii wuu ka duwanaa kaa ciidamada uun ah ee wuxuu ahaa gumaysi shacab iyo ciidamo wada socda taa macneheedu waa ummadda ka soo hijrootay dhulkoodii oo la keenay dhul kale si ay degaan uga noqdaan dhulkoodiii horena u ilaawaan taas oo ah ka mawduuceenu ku saabsanyahay.

Gumaysiga noocan ah ee in ummad laga qaxiyo dhulkoodii ama la laayo si loogu bedelo ummad kale waa danbi aad u culus oo aan caalamka ku soo noqnoqon marka laga reebo meelo kooban tusaale ahaan waxay qadiyadani hore uga dhacday Ustaraaliya (Australia).

La soco…

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap