Yaa ka dambeeya ololaha la doonayo in xilka looga tuuro Imran Khan?

BAKISTAAN — (WARSOOR) – Kumanaan qof oo taageerayaasha mucaaradka ah ayaa Axaddii ku dibad-baxay magaalada ugu weyn Pakistan ee Karachi, ayaga oo dalbanaya in xilka uu ka dego ra’iisul wasaare Imran Khan.

Waxay ku eedeynayaan inay xukunka keensadeen militariga islamarkaana doorashii lagu doortay laba sano kahor ay ahayd mid lagu shubtay.

Banaanbaxa Karachi ayaa ahaa kii labaad ee dhaca muddo saddex maalmood gudahood ah, waxaana abaabulkiisa leh isbaheysi ay ku midoobeen sagaal xisbi oo mucaarad ah, kaasi oo la baxay Dhaqaaqa Dimqoraadiyadda Pakistan, Pakistan Democratic Movement (PDM).

Ololaha ka dhanka ah Khan ayaa imanaya ayada oo Pakistan ay wajaheyso dhaqaale xumo aad u darran, oo xitaa dhaqaalaha dalka uu hoos u dhacay kahor inta anau caalamka ka dillaacin cudurka Coronavirus, kaasi oo xaaladda kasii daray.

“Waxaad dadka ka dhacday shaqooyinkii. Waxaad dadka ka dhufsatay raahsinkii ay maalinkii heli jireen laba jeer oo kaliya,” waxaaa sidaas tiri Maryam Nawaz, oo ah gabadha ra’iisul wasaarihii saddexda xilli ee Pakistan, Nawaz Sharif oo la hadashay dibad-baxayaasha.

Saacadihii hore ee Isniintii shalay, booliska ayaa xiray seygeeda Muhammad Safdar kadib cabasho ka timid xisbiga Khan ee Tehreek-e-Insaaf (PTI).

“Booliska waxay soo jebiyeen daaqadda hotelka aan ka deganahay Karachi, waxayna xireen Safdar,” ayey Maryam ku tiri qoraal ay soo dhigtay Twitter.

Ra’iisul Wasaare Imran Khan si kulul ayuu u beeniyey in militariga ay ka caawiyeen inuu ku guuleysto doorashada. Militariga weli kama aysan hadlin eedeynta loo jeediyey.

Doorashada guud ee Pakistan waxay dhaceysaa 2023, hase yeeshee ma cadda halka xaaladda dalka ay ku dambeyn doonto haddii ay sidan usii socdaan dibad-baxyada.

xigasho: VOA SOMALI