Xukuumadda Somaliland oo si Adag ugu Jawaabtay China

Taiwan – (WARSOOR) – Wasiirka Arriimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maanta oo jimce ah Jawaab adag siiyey Dawladda Shiinaha, isaga oo ku sugan dalka Taiwan, gaar ahaan magaalada Taipei oo ay socdaal shaqo ku joogaan isaga iyo wefti wasiirro ah oo ka socda dalka Somailland.

“Waxaanu dhalannay annagoo xor ah, waxaanan jiraynaa annagoo xor ah. Sida aanu doono ayaanu arrimahayaga u maamulanaynaa, Shiinuhu waxba nooma yeedhin karo, waddan kale-na wax nooma yeedhin karo,” sidaas waxa yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaanu intaas ku daray inay cilaaqaad la samaynayaan cid kasta oo tix-gelinaysa madax-bannaanida iyo dowladnimada Somaliland islamarkaana doonaysa inay la samayso xidhiidh ganacsi iyo mid dublomaasiyeed oo bilaa shuruud ah.

“Waxaan u malaynaa in taasi ku filan tahay Shiinaha,” Ayuu yidhi Dr. Essa Kayd.

Dhinaca kale, wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa dhankiisa sheegay inaanay jirin wax Deyn ah oo Somaliland weydiisatay Taiwan, balse ay jiraan siyaabo kale oo taageerada dhaqaale ee dalkaasi ku soo gaadho Somaliland.

“Waxa jira Dhaqaale ka yimaadda Taiwan oo Somaliland u soo gaadha qaab mucaawimo ah iyo mid maalgashiba, waanan soo dhawaynaynaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.