Xubnaha Golaha Aqalka sare oo Maanta ka Dooday Xeerka Dalka ka Mamnuucaya Shirkada DP World

Muqdisho – (warsoor) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maanta shir guddoomiyey Kulanka Golaha oo Ajendaha uu ahaa dhageysiga xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed oo Shalay loo qeybiyey Mudaneyaasha.

inta badan Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa  aragtidooda ka dhiibtay Dooda xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed, kaasi oo dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo gabo gabada kulanka hadlay ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaanada Golaha aqalka sare ay aragtidooda ka dhiibteen xeerka Dowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed marka laga reebo Toban Mudane oo iyagguna maalinta barri ah aragtidooda dhiiban doona,  isaggoo xusay in Barri lasoo gabagabeynayo ka doodista Xeerkaan.

KODAK Digital Still Camera

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.