Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Kullan Sagootina La Qaatay Arday Deeq Waxbarasho ka Helay Ethopia

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo ay weheliyaan, Wasiir ku xigeenka W.W&S, Agaasimaha guud ee W.W&S xubno ka mida agaasime waaxeedada wasaaradda ayaa kullan sagootina la qaatay arday deeq waxbarasho ka helay dalka Ethopia.Ugu horayn Agaasime ku xigeenka waaxda farsamada gacanta ee W.W&S Nasra Axmed Aadan ayaa ardayda kusoo dhawaysay wasaaradda waxbarashada waxaana ay u sheegtay inay weeleyaan waanooyinka ay siin doonaan madaxda wasaaradu.

Agaasimaha guud ee W.W&S oo halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada kullanka isago ardayda siiyay talooyin ku aadan dhanka waxbarashada iyo safarka ay u gali doonaan wadan kale, agaasimaha ayaa u mahadnaqay madaxwaynaha JSL MD Muuse Biixi Cabdi.

Dhankooda ardayda iyo waalidiinta oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ugu horayso wasaaradda waxbarashadu sida hagar la’aanta ah ee ay ugu hawl galeen mudadii ay socotay hawshani, waxaana ay balan qaadeen in ay wadankooda ugu shaqayn doonaan aqoonta ay soo bartaan.

Udu danbayn wasiirka wasaaradda waxbarashada oo kullanka soo xidhay ayaa isna hambalyeeyay ardaydan kasoo gudubtay tartamadii ay galeen, waxaana uu wasiirku sheegay inay ka midho dhaliyaan tacabka uu qaranku galiyay iyo culayskii ay xukuumadu saartay sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho dhanka farsmada gacanta ah, waxaanu kula dardaarmay inay dalkooda kusoo noqdaan markay aqoontooda soo dhamaystaan.

+14

All reactions:

41Abdikariim Mohamed Abdirahman and 40 others