Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo Kulan La yeeshay Wefti Shiinaha ka Socday

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaarada tamarta Iyo macdanta mudane Jaamac Maxamuud Cigaal Somaliland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti maal-gashadayaal ah ka socday dalka Shiinaha.

Kulankan waxaa wasiirka ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi iyo Guddoomiyaha hay’adda Korontada Somaliland mudane Axmed Faarax Cadarre.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen dhinacyada maal-gashiga iyo horumarinta tamarta iyo sidii iskaashi loo samayn lahaa.

Madaxda wasaaraddu waftigan waxay ku soo dhaweeyeen gacmo furan, iyaga oo u ballanqaaday in ka wasaaradd ahaan ay ku faraxsan yihiin in wafti maal-gashadayaal ah dalka yimaadaan iyagoo la wadaagay fursadaha maal-gashi ee ay suurta galka tahay in waftigu maalgashadaan.

Bulshadda Somaliland qaarkood ayaa u arkay weftiga ka socday dalka Shiinaha in ay yihiiin kuwo duulaan ku ah shirkadda hadda soo koraaya ee dalka ka jira, kuwaasi oo looga cabsi qabo in ay shirkaddahani Shiinaha ahi waxyeelo u keeni karaan dhaqaalaha kobcaya ee shirkadaha dalka laga leeyahay.