Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gopbolka Minesota

Maraykanka – (warsoor) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi  Salaad (Omaar) oo booqasho shaqo ku jooga wadanka Mareykanka ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minisota ee Waddankaan Maraykanka.

Wasiirka ayaa jaaliyadda uga warbixiyay howlaha baaxada leh ee ay wasaaradiisu qabatay labadii sano oo uu xilka hayay, waxaana wasiirku ka xusay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

1- soo Celinta maamulka iyo maareynta hawada Soomaaliyeed.

  1. Suurta galinta In ay shirkaddo caalami ah dib uga howl galaan garoonka caalamiga ah ee Aadan cade.
  2. Duulimaadka diyaaradaha ee xiliyadda habaynkii oo la suurta galiyey .
  3. Qorshaha dib u soo celinta Somali Arline’s oo uu sheegay inay meel fiican marayso.
  4. Sare u qaadista bilicda iyo ballaarinta garoonka Aadan cadde.
  5. Dajinta, dhameystirka iyo dhaqangalinta hindisa sharciyeedka hay’adda duulista iyo gaadiidka hawada ee Soomaaliya.
  6. Iyo sidoo kale Dhisidda shaqaale xirfad sare leh oo ka howl gala wasaaradda iyo guud ahaan waaxyada kala duwan ee xukuumadda uu ka tirsanyahay.

Wasiirka ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta diirran ee ay jaaliyaddu u samaysay iyo taageerada ay u muujiyeen dowladda Feedaraalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo mudane Maxammed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayrre.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhaweynta wasiirka Xog hayhaya Koowad ee Saafaradda Soomaliya ee Mareykanka Mudane Cabdiraxmaan Bashiir, isagoo ka warramay jaaliyadda iyo horumarka ay ku tillaabsatay.

Gabagabadii ayaa waxaa ay Golaha arrimaha dadweynaha Somalida Mareykanka oo loo yaqaan Somali American PAC gudoonsiiya  billad sharaf wasiirka iyo dhamaan golaha wasiirada Soomaliya oo loo mariyay xafiiska raisul wasaaraha Xassan Cali Kheyre.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.