Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Soomaaliya ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, howlaha safaaradda Shiinaha iyo sida ay uga qeybqaataan guud ahaan dowlad dhiska Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha Fei ayaa ugu horreyn muujiyay in Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay muddo dheer saxiib la aheyd Soomaaliya isaga oo intaa ku daray sida ay Beijing uga go’an tahay inay dhisto iskaashi iyo wadashaqeyn xooggan oo ay la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa ballanqaaday inuu ku dadaalayo adkeynta xiriirka labada dal, la shaqeynta wasaaradda arrimaha gudaha iyo xukuumadda, sare u qaadista taageerada la xiriirta abaaraha, la dagaalanka argigixisada iyo inuu ku shaqeeyo howlaha hortabinta leh dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhankiisa, Wasiirka arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib u heshiinta Soomaaliya ayaa ku dheeraaday xiriiirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo sida ay Shiinuhu uga qeyb qaateen dhismaha Soomaaliya burburkii kahor isaga oo safiir Fei Shengchao ku ammaanay shaqada uu ka qabtay in ay Shiinaha ay Soomaaliya ka taageeraan arrimaha abaaraha iyo guud ahaan dowlad dhiska.

Wasii Fiqi oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Waxaan u adeegsan doonnaa dib-u-heshiisiin, nabad-dhisidda iyo ka-qaybgalka bulshada si aan uga adkaano argagixisada oo aan si joogto ah u cirib-tirno fikradaha xagjirnimada ah”.