Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta JidadKa JSL oo kordhisay Saacadaha Qaranka Loo Shaqeynayo

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Mudane Maxamed Cabdi Maxamuud iyo kusimaha Agaasimaha guud Cabdillahi Samadoon Cumar, ayaa saaka si rasmi u shaaciyay in laga bilaabo 21-8-21 ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku kordhisay waqtigii ay u adeegaysay bulshada.

Wasaarada ayaa sheegtay in gallinka dambe la shaqeyn doono, kana bilaabmi doona labada duhurnimo ilaa lixda makhribnimo taasi oo adeegyadii ay bixinjirtay Wasaaraddu ay labada gallinba bixin doonto.

Haddaba dadkii aan haleelka u haynin gallinka hore inay imaadaan gallinka dambe oo ka faaiidaystaan fursaddaas.

Wasaarada Gadiidka Somaliland oo bixisa adeegyadda bixinta Liisanka Baabuurta, liisanka dirawalnimada, lambar badalida, kala wareejinta mulkiyada baabuurta iyo shatigga cashuurta wadda marista ayaa hore u rawixi jirtay duhurka.