Wasaaradda caafimaadka JSL oo shaacisay 25 qof oo laga helay xannuunka Covid-19

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo si maalinle ah uga warbixisa xaaladda Somaliland ee xannuunka Corona Virus ayaa sheegtay in 24 saacadood ee u dambeeyey laga helay xannuunkaas 25 (shan iyo labaatn qof) oo cusub, taas oo tirada guud ee dadka laga helay Covid 19 guud ahaan Somaliland ka dhigaysa shan boqol iyo afar qof.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland waxay sheegtay in dadkaas laga helay xannuunka ay saddex iyo labaatan ka mid ahi ay reer Somaliland yihiin, halka laba ka mid ahi u dhasheen dalka Baagistaan, kuwaas laba iyo toban ka mid ahi ay rag yihiin halka saddex iyo tabanka kalena ay yihiin dumar. Warbixinta wasaaradda caafimaaka waxa kale oo lagu sheegay in dadkaas laga helay xannuunka Corona Virus ay da’doodu u dhaxayso hal sanno jir illaa sagaal iyo sideetan jir, kuwaas oo ku kala sugan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Dadkan laga helay xannuunka Covid 19 ayaa sida ay wasaaradda caafimaaka Somaliland sheegtay ku kala sugan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, wasaaraddu waxay intaas ku dartay in saddex qof oo cusbi ka bogsadeen xannuunka Coronavirus, taas oo tirada guud ee dadka ka bogsaday xannuunkaas ka dhigaysa afar iyo sideetan qof, iyadoo aanay jirin wax dhimasho ah oo ku soo kordhay tiradii hore oo ahayd lix iyo labaatan qof.
Ugu dambayn waxay wasaaaradda horumarinta caafimaadku bulshada u soo jeedisay inay ilaaliyaan nadaafadda guud, isla markaana ay kala fogaadaan kana taxdaraan halista xannuunka karoona fayras uu leeyahay, cidii isku aragta astaamaha xannuunkaasina ay iskarantiinto si ayna ugu gudbin bulshada inteeda kale.
Waxa magaalada Boorama lagu aasay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Jaamac (Axmed Aar).
Hargeysa (SOLNA) – Alle ha u naxariistee waxa maanta lagu Aasay magaalada Boorama marxuum Axmed Jaamac Aar, oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Aaska marxuum Axmed Aar waxa ka qayb-galay agaasimaha guud ee wasaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Cabdilaahi Ibraahin Habane, madax-dhaqameed, culimo, ganacsato, shaqaalaha wasaraadda warfaafinta iyo bulshada ku dhaqan magaalada Boorama qaybaheda qaybaheeda kala duwan.

Masuuliyiintii iyo dadkii ka qayb galay asska marxuumka ayaa tacsi u diray qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, iyaga oo ka sheekeeyey shakhsiyadiisii iyo taariikh nololeedkiisii, waxayna dhamaantood sheegeen inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo hawl kar ahaa, isla markaana qaranka u soo shaqeeyey, wuxuuna marxuumku mihnada saxaafadda ku shaqaynayey muddo 40 sannadood ah.

Wasaaradda caafimaadka JSL oo agab caafimaad u dirtay gobollada dalka.
Hargeysa (SOLNA) – Wasaaradda horumrinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa hay’adda maxaliga ah ee Candle Light ayaa qaar ka mid ah gobollada dalka u kala diray gaadiid sida agabka caafimaadka ee lagaga hortago xannuunka Coronavirus.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Cabdi Ducaale Cali, Cabdirisaaq Bashiir Libaax, oo ka mid ah saraakiisha hay’adda Candle Light waxayna faahfaahin ka bixiyeen qalabkaas iyo waxyaabaha uu ka kooban yahay, iyaga oo intaas ku daray in ay doorkooda ka qaadanayaan sidii looga hortagi lahaa xannuunka Covid-19, iyagoo sheegay in agabkaas caafimaad loogu talo galay gobollada Maroodi-jeex, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Geesta kale, waxa in halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda gargaarka deg dega ah ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Cumar Maxamed iyo madax fayo dhawrka iyo xannuunada xuduudaha iskaga gudba ee wasaaraddaasi Dr. Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma), waxayn u mahad naqeen masuuliyiinta hay’adda Cnadle Light, iyaga oo fariimo caafimaad oo ku saabsan xannuunka coronavirus halkaa uga diray bulshada.