Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Xoghaye Cusub U Magacawday Dawlada Hoose Hargeysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa xoghayaha dawlada hoose ee caasimada Hargeysa u magacaabay Siciid Nuur Jaamac.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha JSL oo uu ku saxeexan yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed, soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa maamula degmada Hargeysa iyo ka gobolka Maroodi-jeex-ba lagu faray in ay masuulkaas ku hawl-galiyaan Sicidd Nuur Jaamac oo loo magacaabay inuu ahaado xoghayaha fulinta dawlada hoose ee caasimada Hargeysa.

Ugu dambayn kale waxa wareegtadaas masuulka cusub ee loo magacaabay inuu ahaado xoghaha cusub ee dawalada hoose ee Hargeysa lagu faray inuu xilkaas u guto si masuuliyaddi ku jirto.