Sudan oo ku hanjabtay in ay ‘ceyrineyso’ wakiilka gaarka ah ee QM

SUUDAAN – (WARSOOR) – Hogaamiyaha Militariga ee Sudan General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ku hanjabay in uu dalka ka eryi doono wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, oo uu ku eedeeyay in uu ka tallaabsaday shaqadii loo igmaday.

“Waxa aan maalin dhoweyd maqalnay aflagaadadiisa, isagoo been sheegaya, oo si cad u been sheegaya,” ayuu Burhaan ku yiri khudbad uu Jimcihii ka jeediyay xaflad qalin-jebin ah.

“Haddii aad ka tallaabsato howsha laguu xilsaaray, waan kaa ceyrin doonaa Sudan.”

Hadalkan ayaa imaanaya maalmo uun ka dib markii wakiilka Qaramada Midoobay Volker Perthes uu golaha ammaanka warbixin ka siiyay dadaallada ka socda Suudaan, halkaasi oo uu soo hadal qaaday jahwareerka dhaqaale ee dalka, rabshadaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha iyo mudnaanta kala guurka lagu gaarayo doorasho.

“Waxa aan ku leennahay shaqqa gaar ah baad haysaa, waxaan kugu niri waan u furannahay in aad nala hadasho, laakiin in aad been sheegto oo aad isku daydo in aad maamusho dadka Suudaan, waanu kaa saaraynaa,” dalka, ayuu yiri Burhan oo hoggaaminayay afgenbigii militariga.

Hawlgalka Perthes waxaa ka mid ah la tashiyo isdaba joog ah oo ujeedkuna yahay in la gaaro xal siyaasadeed ka dib markii militariga ay xukunka la wareegeen bishii October taasi oo soo afjartay awood-qeybsigii kala dhexeeyay xukuumaddii rayidka aheyd.