Xukuumadda Somaliland& Shirkada DPW oo Kala Saxeexday Heshiiskii Dhamaytirka Maalgelinta Dekeda Berbera

Dubai – (warsoor) – Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkada DPW ee maalgelinaysa Dekeda Magaalada Berbera ayaa Maanta ah Si rasmi ah Qallinka ugu Wada Duugay Dhamaystirka Heshiiskaas oo ka dhacay Magaalada Dubai.

Heshiiskan ayaa waxaa Somaliland u saxeexay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Sacad Cali Shire, halka shirkadda Dp World uu u saxeexay Madaxa Shirkadaasi Suldaan Axmed Binu Sulaymaan.

Berbera_deal2 Berbera_deal

Madashii Lagu saxeexayay Heshiiska kama dambeysta ah waxa goob joog ka ahaaa Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxman Saylici, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Shoombe, Safiirka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Mudane Baashe Cawil.

Halkan ka daawo heshiiska:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.