Xisbiga WADDANI oo Xaflad Soo Dhaweyn ah u Sameeyey Boqolaal Haweenka Lixda Degmo ee Caasimadda Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayey boqolaal ka mid ah haween weynaha isbedel doonka ah ee lixda degmo ee xaafadaha caasimadda Hargeysa  oo ku soo biiray xisbigaasi, ayaa maanta lagu qabtay hotel Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.

Waxaana xafladdaasi goob-joog ka ahaa guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Dr.Maxamed Xaaji Cali, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano, odey dhaqameedyo iyo weli ba mas’uuliyiin kale, ayaa waxa ay haween weynahii halkaas lagu soo dhaweeyey ay lu’laayeen calanka astaanta u ah xisbiga WADDANI, caleemo qoyan iyo weliba erayo ay ku dhawaaqayeen oo ay ku muujinaayeen taageerada ay u hayaan xisbigaasi iyo weliba sida ay u la dhacsan yihiin hoggaaminta guddoomiye Cirro.

Qaar ka mid ah haweenka oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan xisbiga WADDANI, waxaana ay tilmaameen ay u soo ban-baxeen siddii ay hormuud ugu noqon lahaayeen isbedel dhabba oo ka qabsooma guud ahaan dalka, iyaga oo dhan ka kale na tilmaamay in ay xisbiga WADDANI ku xusheen in uu yahay xisbi daryeelaya haweenka Somaliland, iyaga oo sida oo kale na dhalliilo xoogga oo ay kaga cabanayaan u soo jeediyey xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in uu yahay xisbi hag-raday guud ahaan haweenka Somaliland.

“Xisbiga KULMIYE wuu na hag-raday, lixdaa sanno wax macquul ah oo uu u qabtay haweenka Somaliland lama garanaayo, hada na waa dadkii ugu badnaa ee u coddeeyey, se waxa aanu maanta kaga gammeynaa xisbiga WADDANI oo ah xisbi daneynaaya, sida oo kale na ah xisbi daryeelaaya oo garab u noqonaaya haweenka Somaliland, sidaas awgeed waxa aanu halkan kaga dhawaaqeynaa in aanu ku soo biirnay xisbiga WADDANI annaga oo ka kala socona degmooyinka Lixda ah ee Somaliland oo dhan.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah haweenkii ku soo biiray xisbiga WADDANI.

Odeyaal, mas’uuliyiin heer qaran ee haweenka iyo dhallinyarta xisbiga, xildhibbaano iyo siyaasiyiin kale oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey sida oo kale na boggaadiyey go’aanka geesimo da leh ee ay maanta haween weynaha caasimadda Hargeysa ku muujiyeen in ay ku bahoobeen xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn si aada u soo dhaweyey haweenkaas, waxaana uu sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in haween weynaha caasimadda oo mideysan in ay ku soo biiraan xisbiga WADDANI sida oo kale na ay muujiyaan cududdooda isbedel-doonimo, isaga oo sida oo kale na halkaas uga jeediyey khudbad dheer oo aad u qiimo badan taas oo taabanaysay dhinacyo badan oo ku saabsan adeegyada iyo weliba baahiyaha haweenka ee xisbiga WADDANI uu wax ka qaban doono.

“Waxa aan u mahadcelinayaa dhammaan ba haween weynaha kala duwan ee ku soo biiray xisbiga WADDANI ku waasi oo ka kala socda lixda degmo ee caasimadda gobalka Maroodi-jeex, waxaana aan lee yahay ku soo dhawaada xisbiga weynaha WADDANI, xisbigu waxa uu idin ku soo dhaweynayaa gacmo afuran. Xisbiyada qaran waxa cudud u ah oo had iyo jeer doorta madaxdweynaha waa haweenka iyo dhallinyarta, haddii haweenka iyo dhallinyartii oo mideysani ay ku soo biireen WADDANI waxa aan qabbaa in aynu maanta guushii gaadhnay, xisbigu na uu soo bixi doono se waxa aanu ugu baaqeynaa xukuumadda in ay diyaariso garoonkii lagu geli lahaa doorashada, waxa aanu ka codsanaynaa in xukuumaddu ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro

Dr.Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:“Haweenku waa halbowlaha xisbiga WADDANI, ahmiyad ballaadhanna waa uu siinayaa imika iyo mustaqbalka ba, waxaana naga balan in aanu wax badan ka qabano baahiyaha kala duwan ee qabbaan haweenku haddii ay tahay in ay ka qeyb-qaataan siyaasadda, baahiyaha dhinaca caafimaadka iyo in lagu dhiiri-geliyo siddii ay waxbarashada qeyb weyn uga noqon lahayeen ula na tartami lahaayeen haweenka.”.

Halkan ka Qudbadda Gudoomiye WADDANI:

img_8898 img_8847 img_8769 img_8764

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.