Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis cusub kala saxiixday

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiirka caddaalada Xukuumadda Soomaaliya iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa heshiis ay kala saxiixanayeen Wasaaradda Caddaalada iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya

Heshiiskaan oo quseeyey hormarinta xabsiyada dalka iyo Waxbarida maxaabiista waxaa labada dhinac u kala saxiixay Agaasimaha Guud Axmed Yuusuf Xasan iyo Wakiilka Hay’ada bisha cas u jooga Soomaaliya Alakis jagwin.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caddaalada Axmed Yuusuf Xasan ayaa bogaadiyey garab istaag Dowladda Turkiga, sidoo kale agaasimha ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo isugu jira dhismo iyo horumarin lagu samaynayo Xabsiyada ku yaala dalka

Heshiiska maanta ayaa ku soo aadaya xilli Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaliya uu horay u sheegay in ay ku dadaalayaan hormarinta xabsiyada la socodka nolosha maxaabiista iyo sare uqaadida caddaalada dalka.